Hey’adda Bisha Cas ee Turkiga oo Ramadaanka caawinaysa dadka gaaraya 10-milyan.
Posted by: Himilo
in Dunida Muslimka
June 9, 2018
275 Views
Nairobi (Himilonetwork) – Hiigsiga yool cusub, hey’adda Bisha Cas ee Turkiga ayaa ku han weyn inay caawiso hal milyan oo qof inta lagu guda-jiro bisha Ramadaan.
“Waxaan caawinay qoysas gaaraya 145,000, waxaana aynu kaalmo gaarsiinay dadyow ku kala nool 35 dal oo dunida dacalladeeda ah,” ayuu yiri madaxa hey’adda, Kerem Kinik, isaga oo la hadlayay hey’adda warfaafinta Turkiga ee Anadolu.
Kirik wuxuu xusay inay afur u sameeyeen dad ku nool dalalka Somalia, Suuriya, Ciraaq, Burma, Falastiin, Bangladesh, Pakistan iyo dalal kale.
Adduun lacageedka sannadkan samafal ahaan ay u qoondeysay hey’adda ayuu ku sheegay 10 milyan oo lacagta Maraykanka ah. Kizilay waa hey’adda samafal ee ugu weyn dalka Turkiga oo qeyb ka ah hey’adda Bisha Cas oo ay ku midaysan yihiin dunida Muslimka.
Sannadkii 1906 ayaa la bilaabay hey’adda Bisha Cas si loola loolamo hey’adda Laanqeyrta Cas ee Masiixiyadda astaanta u ah. Taniyo markaas kaliya 33 dal oo Muslimiin ah ayaa kamid noqday hey’addan Bisha Cas, halka dalal kale oo Muslimiin ah ay qeyb ka yihiin Laanqeyrta Cas.
Sababta ugu weyn ayay qaarkood ugu yeerayaan Bisha Cas oo ah mid sidata astaanta dalka Turkiga oo siyaasad ahaan qaarkood aysan isku soo dhaweyn.
Related
2018-06-09
You must log in to post a comment.