crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> 50 dal oo dagaal ku iclaamiyay bacda | HimiloNetwork

50 dal oo dagaal ku iclaamiyay bacda

Nairobi (Himilonetwork) – Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in illaa 50 dal ay dagaal ku iclaamiyeen bacda iyo sidii loo ciribtiri lahaa.
Dowladda Hindiya waxa ay sheegtay in marka la gaaro sanadka 2022-da ay gabi ahaanba joojin doonto isticmaalka bacda, iyada oo hadda laga bilaabayo in laga mamnuuco magaalada caasimadda ah ee Dehli.
Balanqaadka ka yimid dalkan oo ay ku noolyihiin 1.3 bilyan oo qof ayaa loo arkaa talaabadii ugu weyneyd ee loo qaado dhanka daryeelka deegaanka.
Balse qorayaasha warbixintan ayaa ka digay in loo baahanyahay tallaabooyin dheeraad ah in la qaado si looga gungaaro dhibaatada ay bacda geysanayso.
Dalal badan oo soo koraya, bacaha waxa ay sababaan in ay daadad dhacaan maadaamaa ay isku gufeeyaan bulaacadaha iyo meelihii loo sameeyay in ay biyaha ka baxaan.
Warbixinta waxaa lagu sheegay in tallaabooyin kala duwan laga qaaday adduunka, tusaale dalka Cameroon kaliya lama mamnuucin bacda, ee sidoo kale dadka waxaa lagu abaalmariyaa lacag qofkii keena hal kiilo oo bac ah.
Sida dalalka talaabooyinka bacda ka dhanka ah u kala qaadeen
  • Botswana – waa mamnuuc balse aad looma dabo galo, loomana fuliyo sidii la rabay
  • Eritrea – Gabi ahaanba waa mamnuuc, waxaana yaraaday bulaacadihii xirmayay
  • Gambia – Waa la mamnuucay, balse dib ayay hawada ugu soo laabatay
  • Morocco – Sanad gudihiis ayaa waxaa lagu uruuriyay 421 tan
  • Bangladesh – Waa mamnuuc balse aad looma fuliyo
  • China – Sanadkii waxa laga isticmaali jiray 3 bilyan oo bac ah, hadda bacaha qafiifka ayaa la mamnuucay, balse weli dukaamada waaweyn ayaa laga isticmaalaa, halka suuqaqa kale ay mamnuuc ka tahay.
  • Vietnam – bacaha aad ayaa loo canshuuraa, balse aad ayaa loo isticmaalaa, dowladana waxa ay qorsheynaysaa in 5 jeer sare loo qaado canshuurta sida ay hadda tahay.
  • Ireland – canshuur lagu soo rogay bacda ayaa keentay hoos u dhac isticmaalkeeda ah boqolkiiba 90%
  • Kenya – Lo’da ayaa cuni jiray 2 bac, hadda waa la mamnuucay , ganaax ayaa jira, iyo afar sano oo xarig ah qofkii lagu helo.
Xigasho – BBCSomali
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!