crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Car-Jitsu – Legdanka lagu qabto gudaha Baabuurta. | HimiloNetwork

Car-Jitsu – Legdanka lagu qabto gudaha Baabuurta.

MUQDISHO (HN) — Aalaaba kuwa legdama waxay isku balansadaan meel bannaan ama barxad. Laakiin way adag tahay inaad ku dhex legdantid gudaha gaari. Balse taasi ma ahan dhaqan hadda ku adag dalka Brazil oo uu ka jiro Car-jitsu oo ah hab legdan ay labada legdamaysa ay ku dhex legdamaan gaari gudihiisa.

Sida legdanka caadiga ah, waa ka mamnuuc in meelaha laga dhinto la iska waxyeelo. Balse adeegsiga suumanka gaariga ee ku dhagan kuraasta waa caadi. Saddex wareeg ayaa la dheelaa. Marka hore booska darawalka iyo kursiga ayuu ka dhacaa si isdhaafsi ah. Marka labadaas kulan ay ka dhacaan shirka hore, waxaa haddana loo gudbaa wareegga saddexaad iyo qeybta dambe ee gaariga.

Inta badan legdamayaashu waqti badan iskuma qaataan. Waxaana dhacda in laba daqiiqo marka ugu yar lagu kala baxo wareegiiba. Waayo ciriiriga iyo yaraanta goob faltanku ku heli karo baaxad ku filan ayaa ka dhigaysa in midka laga kormarayo ama si kale looga horreeyo fursadaha gacan-sarreynta uu durba hantiyo guusha.

Rag iyo dumarba waxay ka qeyb yihiin tartankan. Wuxuuna noqonayaa mid kale oo shacbiyad iyo taageerayaal badan soo jiita.

Isteerinka, muraayadaha iyo kuraasta waxaa xusid mudan in sida suumanka loo adeegsan karo kaalmaati ama lagu kaashan karo legdanka. Waana sida labada baratamaysa ay hadba ugu kala horumaraan hanashadooda.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!