crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Blog Page | HimiloNetwork | Page 20

Blog Page

Bisha Soonqaad iyo Ol’olaha Green Ramadan!

MUQDISHO (HN) — Masaajidda Britain iyo Barnaamijka Projects Against Plastic PAP ayaa iska kaashanaya sidii loo ururin lahaa caagadaha iyo gajaclayaasha biyaha lagu cabo inta lagu guda-jiro bisha barakaysan ee Ramadan. Dhammaanba deegaamada ay ku badan yihiin Muslimiinta – oo leh masaajid lagu dukado – waxaa agaasinka ol’olayaasha ay isku dayi doonaan inay isu-taagaan howshan deegaan la-jaalka ah. “Ilaalinta deegaanku ...

Read More »

Xaramka oo 3 milyan oo Muslimiinta qaabilaya bisha Ramadaan.

MUQDISHO (HN) — Diyaargarowga bisha Ramadaan iyo Muslimiinta doonaysa inay ku dhex ictikaafaan gudaha Xaramka waa labo arrin oo isku sidkan sannad walba. Waxaana malaayiin Muslimiin ah ay bisha Ramadaan usoo safraan Sucuudiga si ay ugu cibaadeystaan Makka iyo Madiina. Guddiga Adeegga Labada Xarameyn – Makka iyo Madiina – ayaa si kastaba sannadkan sheegay inay u diyaargaroobeen u adeegidda saddex ...

Read More »

Denmark oo iska diiday ‘ka reebidda xirashada xijaabka’ goobaha wax-barashada.

MUQDISHO (HN) — Wuxuu ahaa war wanaagsan oo ay ku farxeen Muslimiinta Denmark hadalkii kasoo yeeray wasiirka socdaalka, Kaare Dybvad Bek oo ahaa inaysan dowladdu marnaba taageeri doonin in xijaabka laga mamnuuco iskuullada iyo xarumaha dadweynaha. Tani ayaa jawaab u ah dood adag oo uu barlamaanka soo hordhigay xisbiga Danish People’s Party oo doonayay in la meelmariyo ka reebidda xijaabka goobaha ...

Read More »

Siyaasi aad u necbaa Muslimiinta oo qaatay diinta Islaamka.

MUQDISHO (HN) — Shermon Burgess, oo kamid ah dadka si adag ugu ol’oleeya Islaam-naceybka gudaha Australia – horayna hoggaan uga ahaa Xisbiga Xagjirka ah ee United Patriots Front – ayaa qaatay diinta Islaamka. Waxaa aad usoo jiitay sida Islaamku meel adag oo muuqata uu uga istaagay foolxumada ku baahaysa Galbeedka sida ragga isku hawooda iyo wixii la halmaala. “Islaamku waa ...

Read More »

Sheekada Da’yarka la damqada Uur-ku-taallo uu la nool yahay!

MUQDISHO (HN) — Marwalba oo caafimaadka iyo nimcooyinka Ilaahay uu ku manneystay uu tirin waayo, Yuusuf Muuse Cumar wuxuu badiyaa mahad naqa iyo alla-bariga. Laakiin goorta uu usoo baxo jidadka magaalada ayuu dareemaa inuu tabayo wax ka maqan iyo inay wax ka kala dhantaalan yihiin muuqiisa. Micno malahan wax walba oo loogu yeeri jiray Yuusuf, yaraantiisa wuxuu jeclaa cayaarta kubadda ...

Read More »

Mudane Madaxweyne – Caddaaladda iigu hiilli !

MUQDISHO (HN) — Farriin ku socota madaxda sare ee dalka iyo midka gobalka ayuu agaasimaha Shabakadda Himilo, Zaki Hiraale, halkan nagula wadaagayaa. Wuxuuna dhambaalku u dhigmayaa sidatan: Salaamu-caleykum Bahda Saxaafadda.            Ku socota Hoggaanka ugu sarreeya dalka iyo kan Gobalka Banaadir: Mudane Madaxweyne, waxaan kuusoo qorayaa dhambaalkan aniga oo kurejo weyn inaad baaqayga ajiibto oo aad isiiso cadaalad shuruud la’aan ...

Read More »

SpoGomi – Cayaarta ‘Qashinka Ururinta’ ee Abaalmarinta looga helo gudaha Japan.

MUQDISHO (HN) — SpoGomi waa cayaar asalkeedu yahay ururinta qashinka oo tartamayaasha ay u kala dheereeyaan soo gurbinta iyo ururinta qashinka daadsan ama tuban meel cayiman oo jidadka magaalada kamid ah. Waxaana markii ugu horreysay uu tartanka noqon doonaa mid caalami ah oo la qaban doono bisha November ee sannadkan 2023. Waxaana loogu yeeri doonaa SpoGomi World Cup. Magaca SpoGomi ...

Read More »

Daawo – Faa’iidada ku jirta Malabka.

MUQDISHO (HN) — Ilaahay wuxuu Qur’ankiisa noogu sheegay inuu Shinnida ugu waxyooday inay degto meelaha sarsare sida buuraha oo ay soo cunto wixii miro geed saaran ah si ay uga soo saarto malab u macaan kuwa cabaya. Haddaba, faa’iidada laga helo malabka waxaa soo koobaya muuqaalkan kooban.

Read More »

Baadari caan ah oo qaatay diinta Islaamka.

MUQDISHO (HN) — Hilarion Heagy, oo ah baadari kamid ah Ruushka oo saldhigiisu yahay California dalka Maraykanka ayaa qaatay diinta Islaamka, sida ay ku warrameen warfidiyeenno dhowr ah. Baadarigan oo kamid ah kuwa loogu jecel yahay Galbeedka oo ay ku xiran yihiin kumanaan qofood ayaa lagu yaqaan isduldhig badan iyo naxariis. “Qofna si fudud kuma noqon karo baadari iyo wadaad ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!