crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La kulan – Ganacsadihii ku xubeeroobay Dabkii ka kacay Suuqyaraha Banaadir. | HimiloNetwork

La kulan – Ganacsadihii ku xubeeroobay Dabkii ka kacay Suuqyaraha Banaadir.

MUQDISHO (HN) — Musiibadii ka dhacday suuqyaraha Banaadir toddobaadkii tagay, waxaa xubeer fara-maran ku noqday ganacsato Soomaaliyeed kuwaas oo lacag adag oo ay dalkooda ku maalgeshadeen ku waayay dabkii qabsaday xarumihii ay ku ganacsanayeen.  

Dhaqane Axmed Xuseen oo hortaagan carwo uu lahaa – oo dabku gebi ahaanba dhulka la simay ayaana kamid ah.

Kamana maqneyn meheradiisa markii uu shilku dhacayay.

“Yar ila dhashay iyo aniga ayaa joognay,” ayuu yiri. “Mar kaliya ayaase dabku nagu yimid; waxaana soo qaatay fiilo koronto.”

Dhaqane oo ah aabbe sideed carruur ah iyo laba xaasle, wuxuu carwadiisa dhex fadhiyay muddo 10 sannadood. Wuxuuna ahaa mid ku masruufa qoys iyo qaraabo intaba.

“Wax walba oo carwo laga iibsado sida dhar; iyo agabyada la dhigto guryaha ayaa yiillay,” ayuu yiri. “Mid kama harin intaba; dabka ayaa la tagay.”

In kasta oo aan si rasmi ah loo caddeynin adduun adag ee musiibadii dhacday ay ku waayeen ganacsatadu, haddana qiyaastu mayara – marka laga hilaadiyo qasaarihii Dhaqane oo qura soo gaaray.

“Wallaahi adigu 28kun oo dollar ayaan ku qiyaasay hantidii iiga gubatay carwada,” ayuu yiri.

Hadda oo aysan gacantiisu waxba ku jirin, rejadu waa hubka kaliya oo u haray. Saadaashuse uma sahlana.

“Ilaahay deeqdiisu way badan tahay; waana laga soo kabanayaa mar un,” ayuu si calool-adeygnimo ka muuqato u yiri.

Waa qasaare adduun; waxaana la arkaa inta badan inay kasoo kabtaan ganacsatadeenna – iyaga oo isla mar ahaantaana ka helaya waaya’aragnimo.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!