MUQDISHO (HN) — Hilarion Heagy, oo ah baadari kamid ah Ruushka oo saldhigiisu yahay California dalka Maraykanka ayaa qaatay diinta Islaamka, sida ay ku warrameen warfidiyeenno dhowr ah.
Baadarigan oo kamid ah kuwa loogu jecel yahay Galbeedka oo ay ku xiran yihiin kumanaan qofood ayaa lagu yaqaan isduldhig badan iyo naxariis.
“Qofna si fudud kuma noqon karo baadari iyo wadaad diimeed isaga oo si hoose dhaqankiisu u yahay muslimnimo,” ayuu yiri Hilarion Heagy oo hadda la baxay magaca Said Abdul Latif
Wuxuu sheegay in iftiinkii ka baxay shumaca Islaamka uu ku shidmay qalbigiisa labaatan sannadood kahor balse aanu weligiis si daahfuran ugu dhawaaqin jaceylkiisa Islaamka iyo noqoshada Muslim taniyo dhawaan un.
Muslimiinta ayaa si niyadsami iyo kalgacal leh ugu soo dhaweeyey Muslimidda Hilarion Heagy oo hadda la baxay Said Abdul Latif.
Islaamku waa diinta ugu faafidda badan caalamka. Waxaana sannad walba kusoo biiraya kumaankun qofood.
You must log in to post a comment.