HomeLa-yaabkaArday sabab la-yaab leh ugu miirdaboolmay fasalka xilli uu socday......

Arday sabab la-yaab leh ugu miirdaboolmay fasalka xilli uu socday……

MUQDISHO (HN) — Wiil 17 jir arday ah ayaa ku dhex miirdaboolmay gudaha fasalkiisa kaddib markii uu arkay inuu yahay labka kaliya ee dhex fadhiya tiro dhedig ama gabdho ah.

Manish Shankar Prasad, oo ah da’yar xishood badan wuxuu imtixaan ku qaadanayay Allama Iqbal College oo ku yaalla Bihar Sharif, markii uu arkay isaga oo lasoo dhex fariisay fasalka ay ku jiraan ku dhawaad 500 oo gabdho soocan ah oo imtixaanka la qaadanaya. Wuxuuna xishood aawadiis xejin waayay fadhiga waana uu miirdaboolmay.

Deelqaafka dhacay ayaa ah in tirsiga magaciisa lagu dhex daray magacyada gabdhaha iskuulka si kama’ ah. Waxaa loo qaaday isbitaalka halkaas oo lagu baxnaaniyo hadda. Mana dhicin inuu kasii mid ahaado ardaydii ka qeybgalaysay imtixaanka toddobaadka oo dhan u socday.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments