MUQDISHO (HN) — Wuxuu ahaa war wanaagsan oo ay ku farxeen Muslimiinta Denmark hadalkii kasoo yeeray wasiirka socdaalka, Kaare Dybvad Bek oo ahaa inaysan dowladdu marnaba taageeri doonin in xijaabka laga mamnuuco iskuullada iyo xarumaha dadweynaha.
Tani ayaa jawaab u ah dood adag oo uu barlamaanka soo hordhigay xisbiga Danish People’s Party oo doonayay in la meelmariyo ka reebidda xijaabka goobaha wax-barashada.
“Xeerkani hadduu meel mariyo wuxuu kala dhantaalayaa wada noolaanshaha dadka Denmarka, wuxuuna halis ku yahay da’yarta gabdhaha Muslimaadka ah ee iskuullada ku jira,” ayuu yiri wasiirka sharciga.
Sidaas darteedna aysan ku taageerin xeerkan sida uu yiri.
Xeerkan ayaa dhaliyay caro ay Muslimiintu ka muujiyeen waxaana caasimadda Copenhagen isugu soo baxay dad badan oo aad uga soo horjeeda.
Muslimiinta ayaa 5.40% ka ah tirada dadka Denmarka oo u dhiganta 313,713, marka loo eego tirakoobkii la sameeyey sannadkii 2019.
Islaamku wuxuu xirashada xijaabka u arkaa hab lebiseed sharci ah mana uga dhigna astaan diimeed muujinaysa gaaroobid.
You must log in to post a comment.