crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Xaramka oo 3 milyan oo Muslimiinta qaabilaya bisha Ramadaan. | HimiloNetwork

Xaramka oo 3 milyan oo Muslimiinta qaabilaya bisha Ramadaan.

MUQDISHO (HN) — Diyaargarowga bisha Ramadaan iyo Muslimiinta doonaysa inay ku dhex ictikaafaan gudaha Xaramka waa labo arrin oo isku sidkan sannad walba. Waxaana malaayiin Muslimiin ah ay bisha Ramadaan usoo safraan Sucuudiga si ay ugu cibaadeystaan Makka iyo Madiina.

Guddiga Adeegga Labada Xarameyn – Makka iyo Madiina – ayaa si kastaba sannadkan sheegay inay u diyaargaroobeen u adeegidda saddex milyan oo xujey ah kuwaas oo la filayo inay bisha Soonqaad yimaadaan magaalooyinka barakaysan.

Labadii sannadood ee lasoo dhaafay, xayiraadda Covid-19 awgeed waxaa aad loo yareeyey ama loo dhimay tirada xujeyda soo aadaysa Sucuudiga si looga hortago faafitaanka xanuunka Corona Virus.

Shaqaale gaaraya 12,000 ayaa lagu diyaariyay gudaha Xarameynka kuwaas oo fududeyn doona u adeegidda Muslimiinta ku dhex ictikaafaysa.

Cumrada bisha Ramadaan waa mid uu Suubanaheennu aad u boorriyay. Waxaana Muslimiintu ay ku dadaalaan inay xejistaan ajarkeeda faraha badan.

Bisha Ramadaan ayaa sannadkan la filayaa inay bilato 23 bisha March oo aan ku jirno.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!