crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> April | 2017 | HimiloNetwork | Page 2

Monthly Archives: April 2017

Mark Ching – Ninka halista ugu bareeray samata-bixinta Eeyaha hilibkooda laga ganacsado.

Los Angeles (Himilonews) – Taniyo sanado dhowr ah, Mark Ching wuxuu ahaa ganacsade ku bixiya waqtigiisa iyo ilihiisa dhaqaale dib u xanaaneynta Eeyaha dulman ee Los Angeles – isaga oo gabaadna siinaya. Hayeeshe, wuxuu hadana aad ula socday ka ganacsiga hilibka Eeyaha ee dalka Shiinaha ka jira. Kadibna markii uu indhihiisa ku arkay sida loola dhaqmayo, wuxuu qaatay inuu soo badbaadiyo sida ...

Read More »

Carruurteenna – Kheyraad u baahan Barbaarin Aasaasi ah.

Muqdisho (Himilonews) – Deeqaha ugu weyn ee Ilaahay addoomadiisa ku galado waxaa kamid ah ubadka. Ubaxa ifiya aqalka una ah fure reyreynta guryaha waa ilmaha. U  nuglaantooda iyo  kahor marinta baahida aasaasiga kuu ah tooda waa ramashada Ilaahay ku beeray dubaaqa waalidka. Dareenka bara hooyada ama aabaha inuu dhabta ama dhabarka saarto ilmihiisa waa laxawsiga ugu weyn ee laga barto ...

Read More »

La kulan – Gabadha labadeeda gacmood mar kaliya wax ku wada qori karta.

Beijing (Himilonews) – Chen Siyuan, oo ah af-naqe ku nool Handan ee gobalka Hebei -Shiinaha, waxay awood u leedahay kartida ay labada gacmood mar qura wax ugu qori karto. Casriga maanta oo tiknoolojiyaddu noqotay mid looga maarmay waxyaalo badan, wax ku qorista labada gacmood wali waxay door muhiim ah u tahay nolosha 24-jirtan. Turjuntada afka Ingiriisiga luqadda Shiinaha waxay xilligii carruurnimadeeda mar ...

Read More »

Marka Maal-qabeenku noqdo Tusaale Qurxoon

Beijing (Himilonews) – Yu Youzhen, oo ah milyaneer ku nool gobalka Wuhan City ee dalka China, ayaa daaha laga rogay inay kamid tahay shaqaalaha nadaafadda jidadka oo bishii ay ku qaadato adduun dhan 1,420 yuan – si ay tusaale habboon ugu noqoto labadeeda carruur. Sanadkii 1980, Yu Youzhen waxay aheyd qudaar iibiso heer dhexe kaga jirta nolosha caadiga ee degmada  Hongshan District Donghu Village. ...

Read More »

Muslimad Singapore ah oo degree-ga 1aad ee Jaamacadda ku heshay da’da 67-jirka

Singapore (Himilonews) – Haweeney Muslimad ah oo u dhalatay dalka Singapore ayaa da’da 67-jirnimo ku hanatay marqaatigeeda koobaad ee jaamacadda – iyada oo rumeysay riyo-carruureedkeedii una noqotay tusaale jiilka Muslimiinta ah ee la nool. “Marna marabin in da’du caqabad ku noqoto wax-barashadayda,” ayay Rokiah Omar u sheegtay Singapore’s Sunday Times, maanta oo Axad ah 16 April. Ku xirnaanshada hal-aqriska, Omar waxay sheegtay ...

Read More »

Xaafado Induniisiya katirsan oo sida Joodariga ugu seexda Ciidda ama Carrada

Jakarta (Himilonews) – Daganayaasha ku nool xaafadaha yaryar ee gobalka Batang ee dalka Induniisiya ayaa doorbida inay ku seexdaan carrada ama ciidda halkii ay ku seexan lahaayeen joodariyaal. Dhaqankan qadiimiga ah kaas oo wali dhaqan-gal ka ah dalka dhaca Aasiya shishe waxaa loo arkaa mid caafimaad leh. Inaad in yar ku dul-seexato ciid waa iska caadi, hayeeshe inaad ciidda ka dhigato ...

Read More »

Maxaa looga faa’iideysan la’ yahay kheyraadka dhalinyaradeenna?!

Muqdisho (Himilonews) – Markii ugu horreysay ee bulshadeennu bilaabayeen la-qabsiga kacaanka magaaloobidda, waxaa jiray wax-yaalo door ahaa oo la xiriiray dhaqashada iyo dhaqanka oo aysan dhicin in loosoo raro nolosha magaalo-nimada. Waayihii nololeed ee miyiga, majirin kala sooc u dhaxeeya nolosha iyo dhaqashada – oo micnaheedu yahay isu-geynta nolosha iyo dhaqashada ayaaba ka dhigneyd dhaqanka u taagan waxa la yiraahdo ...

Read More »

Dashrath Manjhi – Ninka bulshadiisa u dhan-balay Buur.

Delhi (Himilonews) – Dasrath Manjhi, beeraley Hindi ah ayaa dhigay taariikh cusub kadib ku dhawaad 20-sanadood oo ay ku qaadatay inuu buur ku kala dhanbalo Burus, Dubbe iyo wixii lamid ah – si uu jid ugu sameeyo bulshadiisa kuwaas oo dowladdu u diiday. Haddii aad raadineyso sheekooyin qiira leh, majirto sheeko ka qiiro badan midda Dasrath Manjhi.  “Buurtan waxay muddo qarniyo ah ...

Read More »

Hindiya – Marka Tacliintu noqoto Mahuraanka Nolosha.

Delhi (Himilonews) – 40-jirka lagu magacaabo Rajesh Kumar Sharma, oo ka yimid caasimadda New Delhi ayaa iskuul ka hoos furay buundo – halkaas oo uu wax ku baro carruurta ka yimaada isku raranta xaafadaha dadka dan-yarta ah kuwaas oo aan xaadiri karin dugsiyada tacliinta. Wuxuu rumeysan yahay in wax-barashadu ay tahay hubka ugu muhiimsan ee dhalinyarada Hindiya – oo haddii aysan helin ...

Read More »

Munaasabad loogu magac-daray Xus iyo Xusuus oo loo qabtay aqoon-yahan prof Cali Xasan Maxamed.

Muqdisho (Himilonews) – Waxaa munaasabad loogu magac-daray Xus iyo Xusuus oo lagu weyneynayay wax-qabadkii iyo sooyaalkii nololeed ee Prof Ali Xasan Maxamed – oo ay soo qaban-qaabisay Jaamacadda Muqdisho ayaa shalay lagu qabtay Hotelka Paradise ee magaalada Muqdisho. Qeybaha kala duwan ee bahda wax-barashada, ururrada bulshada rayidka, mas’uuliyiin xilalka kala duwan kasoo qabtay dowladihii danbe, ardaydii uu wax soo baray ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!