crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Carruurta Yurub oo laga mamnuucayo adeegsiga wejibuug ‘facebook’ | HimiloNetwork

Carruurta Yurub oo laga mamnuucayo adeegsiga wejibuug ‘facebook’

Muqdisho (Himilonews) – Dhammaadka todobaadkan, adeegsiga aaladda facebook ee carruurta ka hooseysa da’aadda 16-ku waxa uu noqon doonaa mid sharci darro ah, haddii aanay waalidku ka warhayn adeegsigaas.
Sida uu qabo odorosku, ka mamnuucidda carruurta ka yar 16 jirka ee facebook haddii aan waalidkoodu ogeyn waxa ay ka soo bixi doontaa codeyn uu arrintan u sameynayo guddiga qaabilsan qaaradda Yurub kor u qaadidda da’da ay carruurtu wax ku kala soocaan oo hadda halkii ay ka ahayd 13 sano kor ugu qaadaya illaa 16 sano.
Shirkadaha internetka ayaa tallaabadan u arka, mid lagu yareynayo xaqa faafinta iyo qaadashada aragtida, oo aaladda facebook ay kaalin weyn ka qaadato
Nidaamka looga mamnuucayoo carruurta ka yar13 jirka internetka qaaradda Yurub ayaa u eg kan illaalinta waxyaabaha u gaarka ah carruurta ee Mareykanka oo loo yaqaan Coppa, qaanuunkan COPPA ayaa illaalin dheeri ah siinaya carruurta ka yar 13 sano, si aanay u adeegsan una isticmaalin internet-ka, siyaasad taas la mid ah yaana hadda ka jirta qaaradda Yurub.
Sidaas awgeed waxa laga mamnuucay in carruurta aan gaarin xilliga kuraynimadu ay adeegsadaan aaladaha la isku la xiriiro oo ay facbook kamid tahay.
Iyada oo haddaba ay taasi jirto, ayaa guddiga arrimaha gudaha iyo xorriyadda muwaadiniinta ee baarlamaanka Yurub waxa uu ka fakarayaa sidii wax looga beddeli lahaa siyaasadda adeegsiga internetka ee carruurta.
Baarlamaanka Yurub ayaa qaadaya tallaabo ay si weyn u diiddan yihiin shirkadaha maamula aaladaha ay bulshadu iskula xiriirto, sidaas oo kale waxaa tallaabada Baarlamaanka Yurub ka horjeeda waaya-aragga illaalinta carruurta.
Sida uu qabo nidaamka wax looga beddeli karo xeer hoosaadka illaalinta xogaha ee Yurub, waxaa suurtagal ah in la tacaalidda xogaha carruurta aan gaarin 16 sano, taas oo soo dedejineysa in adeegsiga carruurta yar 16 ee internetku ay noqon karto sharci oo keli ah marka ay waalidka iyo mas’uuliyiintu og yihiin.
SAWR
Si kale, waxa uu xeerkani ku waajibinayaa shirkad walba oo kamid ah kuwa internetka oo dooneysa in ay la macaamisho qof walba oo ka yar 16-jir waxa waajib ku ah in ay hesho ogolaanshaha hooyada iyo aabaha ama cidda joogta kaalintooda.
Ujeedka ayaa ah in aanay carruurta qaadan aragti aanay waalidkooda iyo dadka hayaa mas’uuliyaddoodu ogeyn.
Hadal furan oo loo diray guddiga arrimaha gudaha iyo xorriyadda muwaadiniinta ee baarlamaanka Yurub,  ayaa qubarada qaanuunka ee Yurub qaarkood waxa ay ku sheegeen in wax ka beddelidda xeerka da’da loo ogol yahay adeegsiga internetka oo hadda ah 13 sano, lana gaarsiinayo 16 sano ay carruurta ka lumin doonto fusado waxbarasho iyo kuwo bulsho oo ay hadda ku helaan siyaabo kala duwan, Taasina aanay carruurtu siineyn illaalin dheeri ah
Qubarada diiddan xeerkan wax looga beddelayo da’da loo ogol yahay in ay adeegsato internetka ayaa qaba in hababka ay bulshadu iskula xiriirto maanta uu ka dhigan yahay halbowlaha nolosha carruurta gaartay heerka kuraynimada ee ka cabanaya welwelka,qaadashada tallaabo looga joojinayo Internetkuna waxa ay keeni kartaa ayay qabaan in aanay carruurtu dareemin lahaanshaha awood ay kaalmo iyo talo uga raadsadaan internetka.
Qaaradda Yurub hadda waxa ay carruurtu adeegsadaan aaladaha la iskula xiriiro ee internetka iyaga oo haysta ogolaanshaha waalidkood, inta badana iyada oo aanay waalidku ogeyn, waxa ay qubarada diiddan isweydiinayaan waxa ay soo kordhin karto in halkii loo ogolaa adeegsiga internetka ilmaha ka sarreeya 13 jirka, kor loogu qaado da’aadda 16-jirka.
SAWRI
Shirkadaha iska leh baraha la isku la xiriiro iyo qareenadooda ayaa qaba in xeerkani uu sii kordhin doono dhibka ka taagaan beddelidda siyaasadaha iyo nidaamka haga aaladaha ay bulshadu isku la xiriirto
Shirkadaha internetka ee iska leh baraha xiriirka bulshada ee Qaaradda Yurub ayaa culeys saaraya sidii ay xeer-dejiyeyaasha qaaradda Yurub ugu qancin lahaayeen in ay diidaan wax ka beddelidda da’da loo ogol yahay adeegsiga internetka.
Shirkadaha iska leh barahan iyo qareenadooda ayaan illaa hadda tusin xeer-dejiyeyaasha Yurub caddeymo xoojinaya waxtar la’aanta xeerka wax looga beddelayo da’da adeegsan karta internetka.
Shirkadaha internetka qaarkood ayaa ku doodaya in ay sameyn karaan qalab qofka kayar da’aadda 16-jirka u diidaya adeegsiga internetka haddii uusan haysan ogolaanshaha waalidka ama cidda mas’uulka ah, sidaas awgeeda aan loo baahnayn in mamnuucid toos ah.
________________________
ISHA:
BBC
Waxaa turjumay Axmed Ciise Guutaale
Kala xiriir mareegta: Mustaqbalradio.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!