crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Muslimad Singapore ah oo degree-ga 1aad ee Jaamacadda ku heshay da’da 67-jirka | HimiloNetwork

Muslimad Singapore ah oo degree-ga 1aad ee Jaamacadda ku heshay da’da 67-jirka

Singapore (Himilonews) – Haweeney Muslimad ah oo u dhalatay dalka Singapore ayaa da’da 67-jirnimo ku hanatay marqaatigeeda koobaad ee jaamacadda – iyada oo rumeysay riyo-carruureedkeedii una noqotay tusaale jiilka Muslimiinta ah ee la nool.
“Marna marabin in da’du caqabad ku noqoto wax-barashadayda,” ayay Rokiah Omar u sheegtay Singapore’s Sunday Times, maanta oo Axad ah 16 April.
Ku xirnaanshada hal-aqriska, Omar waxay sheegtay inay aalaaba naawilaysay inay dhigato Madrasad markii ay carruurta ahayd.
Waxay marqaatiga hore ee diploma ku heshay afka Carabiga da’da 40-jirka. Helidda taageerada seygeeda, saddaxdeeda gabdhood iyo carruurta ay ayeeyada u tahay wxay hanatay degree-geeda koobaad ee jaamacadda.
Waxay soo buuxisay tusaalayaasha ay dhigeen dumarka Muslimiinta Singapore sida af-hayeenka barlamaanka dalkaas, Halimah Yacob iyo drs.  Elly Sabrina.
“Waxaan quuddaraynayaa inaan bartilmaameed u noqdo kuwa da’dayda ku sugan – inaysan quusan oo ay wadaan tacliinta,” ayay tiri.
Xafladdii qalin-jebinta ee shalay la qabtay, Omar waxay aheyd gabadhii ugu da’da weyneyd ee ku jirtay dufacadda dhameysay Jamiyah Education Centre’s oo ka koobneyd 33 arday.
Wasiirka difaaca iyo arrimaha dibadda ee Singapore, Maliki Osman ayaa Omar ku amaanay dadaalkeeda – isaga oo yiri inaan laga harin tacliinta waa astaan kamid ah astaamaha Islaamka.
Wuxuuna ardaydii qalin-jebisay weydiistay inay gudbiyaan farriimaha insaaniga ah ee diinta Islaamka dunida ugu baaqayso – iyaga oo adeegsanaya tiknoolojiyadda casriga ah.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!