crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La kulan – Gabadha labadeeda gacmood mar kaliya wax ku wada qori karta. | HimiloNetwork

La kulan – Gabadha labadeeda gacmood mar kaliya wax ku wada qori karta.

Beijing (Himilonews) – Chen Siyuan, oo ah af-naqe ku nool Handan ee gobalka Hebei -Shiinaha, waxay awood u leedahay kartida ay labada gacmood mar qura wax ugu qori karto. Casriga maanta oo tiknoolojiyaddu noqotay mid looga maarmay waxyaalo badan, wax ku qorista labada gacmood wali waxay door muhiim ah u tahay nolosha 24-jirtan.
Turjuntada afka Ingiriisiga luqadda Shiinaha waxay xilligii carruurnimadeeda mar ay ku jirtay dugsiga dhexe lasoo baxday hibadan la yaabka leh.Waxaa dhacda inaad moodo inay wax ku qorista labada gacmood tahay howl u baahan dadaal iyo juhdi badan. Hayeeshe, Siyuan waxay sheegtay inay lama filaan ku heshay hibadan.
“Markii aan ku jiray wax-barashada dugsiga sare, waxaan si halhaleel ah ugu qori jiray casharrada labada gacmood,” ayay u sheegtay  People’s Daily News. “Jaallayaashaydu waxay ku aheyd lama arkaan inay  sidan oo kale sameeyaan.”
Chen Siyuan waxay sheegtay in fal-celinta ugu horreysa ee dadka maqla hibadeeda ay ka bixiyaan tahay: suura-gal ma ahan. Falka labaad marka ay arkaan iyada oo sameynaysana waa isku day. Falka saddaxaad ee ay ka bixiyaan aragtidoodana waa: niyad-jab ku yimaada markay garwaaqsadaan inaysan fali karin sideeda oo kale.
Cajiibka ku jira hibadeeda waa inay laba arrin oo kala duwan mar qura ku kala qorayso labadeeda gacmood. Taas oo dadkii arkay ka dhigtay kuwo layaab sunniyaha la taaga.
Isha: radiohimilo.so
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!