crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Xiddiga Sonny Bill oo dadka NZ ugu yeeray inay bartaan Islaamka. | HimiloNetwork

Xiddiga Sonny Bill oo dadka NZ ugu yeeray inay bartaan Islaamka.

MUQDISHO (HN) — Sonny Bill William, oo ah xiddig Muslim ah oo ciyaarta rugby-ga u ciyaara dalka New Zealand, ayaa isaga oo ka qeyb-galayay duugtii iyo tacsidii maanta oo Jimco loo sameeyey Muslimiintii toddobaad kahor lagu xasuuqay gudaha Masjidka al-Noor ee magaalada Christchurch, wuxuu ugu yeeray shacabka NZ inay bartaan Islaamka.


“Farriintaydu waa jaceyl, waa nabad iyo waa is-dhexgal si aan u dhaqan-gelinno fahamka Islaamka,” ayuu yiri Sonny.

Dadka reer New Zealand ayaa toddobaad kaddib isugu soo baxay si ay dareenka ula qeybsadaan ehellada Muslimiintii lagu xasuuqay gudaha Masjidka. Waxaana dhacdada isku soo baxooda laga baahinayay tiifiiga qaranka. Waxaana aadaanka salaaddii Jimcaha laga baahiyay warbaahinta qaranka.

RW Jacinta ayaa isku soo bixii maanta kala qeyb-gashay muwaadiniinta.

Si kastaba, William oo la siiyay inuu madasha ka hadlo ayaa sheegay in dhacdadani dareensiinayso xanuunka qof kula dhashay ay kugu reebto dhimashadiisa. Wuxuuse sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay sida dadka NZ ay kaga fal-celiyeen dhacdadii bahalnimada ahayd.

“Hadda waxaa la joogaa waqtigii aan si fiican isku baran lahayn, si aan horay ugu wada soconno,” ayuu yiri. “Waa inaad barataan Islaamka.”

Sonny oo dhashay sannadkii 1985 ayaa ah ciyaaryahanka kaliya ee ku jira xulka qaranka NZ oo Muslim ah.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!