crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Qaswadayaasha Mootaleyda NZ oo sheegay inay ilaalin doonaan Masaajidda Maalmaha Jimcaha! | HimiloNetwork

Qaswadayaasha Mootaleyda NZ oo sheegay inay ilaalin doonaan Masaajidda Maalmaha Jimcaha!

MUQDISHO (HN) — Qaswadayaasha Mootoleyda New Zealand ayaa balan-qaaday inay ilaalin doonaan Muslimiinta maalmaha Jimcaha marka ay iskugu imaanayaan salaadda duhur kaddib weerarkii Jimcihii dhawaa lagu laayay Muslimiinta.


“Waxaan caawin iyo gargaarba siin doonnaa walaalaheenna Muslimiinta ah inta ay garab nooga baahan yihiin,” Sonny Fatu, oo hoggaan u ah kooxdan sharciga ku tumata ee kasoo jeeda qabiilka Maori ayaa u sheegay warbaahinta NZ.

Fatu wuxuu tilmaamay inay waardiyeyn doonaan Masjid Jaamaca Hammilton maalmaha Jimcaha.

Asad Mohsin oo madaxweyne ka ah Waikato Muslim Club ayaa sheegay inuu arkay xubno badan oo kamid ah kooxdan kuwaas oo soo booqanaya Masjidka, waxayna rabeen inay noo yimaadaan Jimcaha si ay noogu muujiyaan garab istaagooda.

Asad ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin dhawaqa kasoo yeeray kooxdan. Wuxuuna ugu yeeray inaysan kaliya ku ekaan bannaanka Masjidka balse ay gudaha usoo galaan si ay u ogaadaan inaysan halkan ka jirin qatarta laga maleyn karo ama caadiyan laga baahiyo mararka qaar.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!