crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Wiil Saaxiibtiis u toogtay codsi-saaxiibnimo oo facebook loogu soo diray! | HimiloNetwork

Wiil Saaxiibtiis u toogtay codsi-saaxiibnimo oo facebook loogu soo diray!

Muqdisho (Himilonetwork) – Nin hinaase ah ayaa saaxiibtiis ku toogtay codsi saaxiibtinimo oo facebook loogu soo dirsaday, marka loo eego booliska Florida.
19-jir lagu magacaabo Charles Tenpenny waxaa xiray xafiiska Pinellas County Sheriff’s kadib markii uu toogtay 18-jir laheyd uur 20 isbuuc ah.
Tenpenny wuxuu, markiisii hore, sheegay in qof aan la garaneyn oo huwan dhar madow uu saaxiibtiis toogtay xilli ay qol qura ku wada jireen.
Si kastaba, dood dheer kaddib wuxuu qirtay inuu toogtay saaxiibtiis kaddib markii codsi saaxiib noqosho ah uu usoo diray wiil kale.
Xabadii gacantiisa ka baxday waxay haleeshay isheeda, waxayna hadda ku jirtaa xaalad halis ah. Kahor inta aysan imaanin ciidamada, wuxuu qorigiisa isaga tuuray meel xero ah. Balse booliska ayaa awooday inay soo helaan markii ay raadraadiyeen kaddib.
Hadda waxaa loo taxaabay xabsiga. Waxaana lagu riday inuu bixiyo lacag dhan $510,000.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!