MUQDISHO (HN) — Lammaane u dhashay dalka Ukraine ayaa go’aansaday inay tijaabadii ugu adkeyd is mariyaan iyaga oo gacmaha ku wada dhifsanaya hal katiinad muddo saddex bilood ah.
Alexander iyo Viktoria, ayaa bilowgiisa bishan go’aan ku gaaray inay u dabaal-degaan Maalinta Jaceylka iyaga oo gacmaha iskaga katiinaysan. Hadafkoodu wuxuu ahaa inay isla joogaan hadiyo jeer si xiriir ah muddo saddex bilood dhan. Waxaana taas kamid ah; jiifka, qubeyska, iyo wixii la halmaala.
“Waxaan rabnaa inaan dhigno rikoor cusub,” ayuu yiri Alexandre. “Waxaan nagu qufulan katiinad adag oo sahal aan la iskaga furi karin.”
Lammaanahan da’da yar ayaa sheegay inay ku niyadweyn yihiin inay saddex bilood iskula dhammeystaan katiinadda. Haddiise ay u baahdaan inay iska furaan katiinada waxay u baahan doonaan howlwadeen yaqaan sida loo jebiyo inay u tagaan, marka loo eego waaxda dad-dhigista iyo diiwaan-gelinta.
Sheekada noloshooda waxay maalinle ugu baahin doonaan baraha bulshada, waxayse la kulmi doonaan caqabado dhowr ah oo u baahanaya inay is caddeeyaan hadiyo jeer.
You must log in to post a comment.