crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Damaashaadka Xeebta Liido iyo Da’yarta Caasimadda. | HimiloNetwork

Damaashaadka Xeebta Liido iyo Da’yarta Caasimadda.

MUQDISHO (HN) — Xeebta Liido waa mid aad u ballaaran. Waxay dhabarka ku heysaa dekaddii hore ee Duqda. Waxaana hareeraha kaga yaalla xarumo kala duwan oo laga helo cunnooyin fudud iyo fadhi.

Dad badan oo dalka iyo dibaddiisa ku nool ayaa jecleysta inay yimaadaan halkan. Xasan Goodax oo galabta ku shaahaya xeeliga badda ayaana kamid ah.

“Maanta way iiga duwan tahay maalin kale,” ayuu yiri. “Waayo dad cusub iyo jawi cusub ayaan ku qaadanaynaa xeebta.”

Dabaasha, kubadda cagta iyo orodada waa ujeeddo badanta soo jiidata indhaha dadweynaha xeebta yimaada. Mid kaliya ayaase maanta fudud. Maadaama baddu kacsan tahay, majirto baaxaddii xeebta ka durugsaneyd. Waxaana ay biyuhu garaacayaan gidaaradda dhismayaasha ku teedsan. In badanna  – oo rag iyo dumar isugu jira – waxay u joogaan inay dabaashaan.

Ka Xasan Goodax ahaan, xeebuhu waa meelaha ugu raqiista badan dalxiisyada uguna caafimaadka iyo is-dhexgalka badan.

“Waxaan doorbidaa nolol sahlan inaan ku qaato halkan; shaah ka cabo maamooyinka ka xoogsada xeebta; waqti sahlanna la qeybsado bulshada Soomaaliyeed ee da’yar iyo duqow isugu jira,” ayuu yiri.

Halka qaar badan ay keligood yimaadaan xeebaha, waxaa jira xubno qoysas ah oo damaashaadka xeebaha ka doorbida goobaha kale ee loo dalxiis tago. Abdirisaaq Jaamac Axmed oo galabta qoyskiisa usoo waday xeebta Liido ayaana kamid ah.

“Dareen aan aalaaba ka helin goobaha kale ee loo dalxiiska tago ayaan halkan ka helaa,” ayuu yiri. “Carruurtu waa u caafimaad iyo farxad xeebta – wax walba oo tamashle ahna way ku heystaan.”

Haddii goobaha dalxiiska loo tago ay yihiin sanbabada ay ka neefsadaan magaalooyinku, xeebaha dalkuna waxay u yihiin halbowlayaal.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!