MUQDISHO (HN) — Saxaafadda Somaaliya waxay taniyo markii Kacaanka warbaahinta uu ka curtay geyiga Somaalida ay kaalin mug leh ka qaadatay tebinta iyo baahinta wararka la xiriira dhacdooyinka maalinlaha ah sida siysaadda, amniga iyo cayaaraha.
Waxaa inta badan soo raaci kara qaarkood madadaalada, fanka iyo diinta ku gaar noqda baahintooda.
Laakiin, waxaa aad lama-helaan ama dhif u ah saxaafadda si gooni ah isugu taagta sheekooyinka saameynta iyo qalbi-taabadka leh ee la xiriira horumarka iyo fikradaha toolmoon ee ka dhex jira umadda. Si kale marka loo yiraahdo, saxaafadda Somaalida aad waqti badan uma geliyaan ka sheekeynta warbixinnada arrimahada bulshada iyo degaanka la xiriira taas oo sida muuqatana aad ay maanta bulshadeennu ugu baahan tahay.
Haddii aad rabto inaad muqaalka Somaaliya iyo sida uu mustaqbalkeeda dhow u ekaanayo aad ogaatid, warabahintu waxay kamid ah ilaha sida fudud looga dersi karo wejiga ay umaddani ku dhex leedahay umadaha Afrikada xorta ah kula nool.
In kasta oo adeegsiga baraha bulshada ay aad uga horreeyaan qeyb ahan umadaha kale, haddana, waxay u eg tahay inay muuqa kore kaga sugan yihiin sheekooyinka iyo warbixinada loo baahnaa inay si gudo ahaaneed uga soo warramaan – si xal loogu helo haddii ay tahay dhibaato bulsho oo taagan ama ay tahay fursado dahsoon oo u baahan in dadweynaha loo baahiyo si ay uga faa’iideystaan.
Wax caadi ah waxaa iska ah: in idaacad walba oo aad shidatid in qodobada wararkeeda ugu waaweyn ay safka hore uga jiraan warar aan niyad-jab iyo dhiilo mooyee aanu dhageystuhu ka qaadeen rejo iyo yididiilo. Wayna dhacdaa inay gabagabada wararkooda ay ugu sheegaan in dhacdo-wareedka ay tebinayaan aanay ahayn markii ugu horreysay oo horay ay usoo dhici jirtay sida qarax lagu baaba’ay iyo dagaal beeleedyo galaaftay nolosha dad iyo duunyo iyo wixii la halmaala.
Halka aanay wax dhib ah ku jirin in bulshada lala socodsiiyo dhacdooyinka iyo xasaradaha ku gadaaman, haddana, waxay qeyb kaliya un ka tilmaamaysaa murtida Somaaliyeed ee tiraahda; ‘War helaa talo hela’.
Halkii ay ahayd in warbaahintu ay isdultaag dhab ah ku sameyso sameynta sheekooyinka nabadda, horumarka bulshada iyo ilaalinta degaanka xoojinaya, nasiib-darro waxaan aragnaa in suxufiyiinta maanta ay ku eg yihiin warramayaal oo kaliya oo aanay warar isbeddel abuuri kara umadda u sameyn karin.
Waxaana soo kordhaysa is-weydiin ah haddii fahamka micnaha saxaafadda laftigeeda si dhab ah loo fahmay. Haddii tebinta dhacdooyinka oo qura lagu koobo micnaha saxaafadda oo aan lagu baraarugin awoodda ay ku leedahay is-beddellada nolosha iyo kaalinta ay ku yeelan karto guulaha ay umadi dooneyso inay xaqiijiso mustaqbalka dhow iyo midka fogba, waxaa iska cad in aragti qaldan laga qaatay markaas qeexidda xeesha dheer ee suxufinimada.
Maanta oo la joogo kacaan cusub oo warbaahinta iyo bulshadaba u dhashay, waa muhiim in si wadajir ah loogu faa’iideyo ilaalinta iyo badbaadinta degaanka; dhab-u-heshiisiinta iyo la dagaalanka aafooyinka haraadiga ah ee la haraya bulshada sida maandooriyaha iyo qabyaaladda iyada oo la adeegsanayo kaalinta dahabiga ah ee saxaafadda.
Waxaa kale oo fiiro gaar ah mudan in lagu baraarugo mas’uuliyadda naga saaran jiilka imaanaya xaqa ay nagu leeyihiin inay helaan oo ah degaan nadiif ah iyo bulsho nabad ah inaysan ku dhalan doonin gacan dowladnimo, balse wada-jir loogu suuragalin karo oo kaliya iskaashi qoto dheer oo dhex mara saxaafadda iyo dowladda.
Qore: Zaki Hiraale.
Kala xiriir: Zakariya@himilonetwork.com/ hiraal86@gmail.com
You must log in to post a comment.