crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Sidee ugu habboon oo Qof sooman u samayn karaa Jirdhis iyo Jimicsi?! | HimiloNetwork

Sidee ugu habboon oo Qof sooman u samayn karaa Jirdhis iyo Jimicsi?!

Muqdisho (Himilonetwork) – Jimicsiga iyo inaad ilaalisid qaab noololeedka caafimaadka ayaa laga yaaba inay noqoto dhibaato. Balse ka waran hadaad sameysid taasi adoo waxbo cunaynin wakhtiya badan maalintii?!
Bisha Islaamka ee Ramadan ayaa billaabanaysa isbuucan, iyadoo Muslimiinta ku nool dunida ay ka soomi doonan cunada iyo cabitaanka inta u dhexeysa xilliga ay qoraxda soo baxaysa ilaa xilliga ay ka dhacayso.
Ramadanka ayaa sanadkan billabanaya horraanta xilliga xagaaga, iyadoo dadka ku nool dalka Ingiriiska ay soomi doonan ku dhawaad 18 saacadood maalintii.
Dr Ranj Singh, oo ah weriye ka tirsan telefishinka ITV’s oo daadihisa barnaamijka Get Well Soon ayaa soo jeedisay saddex arrin oo muhiim ah: qaado ama cun cunnooyin wanaagssan xilliga aadan soomanayn, samee jimicsi fudud iyo inaad seexatid hurdo kuugu filan.
Hurdo la’aan
Yasmin Khalid waxay jeceshahay inay aado goobaha jir dhiska ayna ka qeyb qaadato fasalada jir dhiska,balse xilliga Soonka wey ku adagtahay inay aado jiimka, taasi ma ahan inay sababtay cuno la’an balse waxa keenay hurda la’anta.
“Waa hurda la’anta waxa dhibaatada ii keenay” ayey tiri.
“Waxan soo kacaa afartii arroornimo si aan cunno u kariyo,hadana salaada ayaan tukadaa,ka dib hal sac ayaan nastaa kaddibna carruurta ayaan iskuulka u diyaariya.”
Dr Ranj ayaa sheegtay inay wanaagsan tahay in hurdo fiican la seexdo xilliga Ramadaanka.
Waxa jira cadaymo sheegaya in dadka sifiican u seexda ay qaatan cunnooyin fudud maalintii,marka hadad si fiican u seexatid habeenkii waxay kuugu caawinaysa inad ogaatid cunnooyinka aad u baahantahay xilliga aad soomantahay.
“Tobaraha wuxu isiiyaa nacnac xilliga soonka la furayo”
Amjad Iqbal, waa 34 sano jir, wuxuuna ka mid ahaa koox ciyaartoy ah oo ka dhisnayd magaalada Bradford, ka hor inta uusan ku biirin kooxda kale ee Farsley Celtic.
Amjad oo ay ciyaarta u maraysa bartamaha ayey qoraxda dhici jirtay.
“Tobabaraha waxa uu ilaaliyaa wakhtiga,ka dibna wuxu iisoo tuura nacnac si aan u cuno.”
Qaar kamid ah orodada Muslimiinta sida Moe Sbihi, ayaa go’aansada inaysan soomin xilliga Ramadaanka balse ay sadaqo u bixiyaan lacag,iyadoo ay diinta Islaamka ogoshahay in dib laga soomo maalmihii katagay qofka.
“Amjad ayaa sidoo kale ka hadlay farqiga u dhexeeya ciyaartoyda, waxaa jira qaar go’ansada inay sooman xilliga Ramadanka iyo qaar kale oo aan ka qeyb qaadanin ciyaaraha oo dhan ama ciyaara xilli u gaar ah”.
Iyadoo ay jirto jacayl uu u qaba ciyaarta Amjad ,ayuu sheegay inuu ogyahay marka ay tabartiisa hoosaysa wuxuna ka dalbada tabobarahiisa inuu badello.
“Jimicsiga kala duwan”
Dr Ranj ayaa ku talinaysa in la sameeyo jimicsiyada fudud ,iyadoo ka hadashay muhiimadda ay leedahay inad ogaatid wakhtiga aad jimicsiga sameynaysid.
“Dadka ayaa badanaa sahlada jimicsiga ka hor inta aan la gaarin galbihii.”
Hase yeeshe Dr Ranj ayaa qirtay inaysan qof walba u haboonayn inay sameeyan jimmicsiga arroortii.
Goobaha jir dhiska ayaa haatan furan maalintii 24 sac ama waxaad jimicsiga ku samayn kartaa guriga.
Waxaa sidoo kale wanaagsan inaad u socotid misaajidka intii aad gaari qaadan lahayd ama jaranjarada u raacdid gurigaada.
“Bisha Ramadanka ayaa laga yaaba inay carqalado la timaado dhinaca caafimadka, balse haddii wax walba loo sameeyo qaab isku dheelitiran sida cuntada aad cunaysid, cabitaanka iyo jimicsiga waa ay wanaagsantahay,” ayuu yiri Dr Ranj.
Muslimiinta bisha Ramadanka ayaa sooma 30 maalmood.
Waxa uu sidoo kale u arkaa inay bisha Ramadanka ay Muslimiinta u tahay bil cibaado ah oo ay ku sameyn karaan isbadello wanaagsan.
Haddii aad soomaysid ,waa inaad fursad u aragtaa oo aad cuntid cunnooyin isku dheelitirran sida inaad joojisid qaab nololeedka xun sida sigaarka.ayuu ku daray.
Xigasho – BBCSomali.com

 

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!