MUQDISHO (HN) — Fasallo badan waxaa bulxanka iyo qeylada ka baxaysa laga maqlaa meel ka baxsan iskuulka, laakiin gudaha fasalkani kama maqlaysid wax sawaxan ah. Mana ahan inay ka cabsoonayaan in lagu ciqaabo. Waa inaysan helin nimcada maqalka. Waana waxa ay ka dhigan tahay in loogu yeero dhegoolayaal.
Waa isku darka laba fasal oo kala ah afaraad iyo shanaad. Waxayna qaadanayaan xiisad naqtiin ah oo ay dib ugu faaqidayaan casharradii horay loogu soo dhigay.
Xamdi Nuur Cumar mahelin hadda kahor fursad wax-barasho oo ay fasal ku fariisato. Waxayna kamid tahay tiro gaaraysa 105 arday oo taniyo markii la furay iskuulka sannadkii 2017-ka tacliin usoo raadsaday halkan.
Waxaan weydiiyay Xamdi maadada ay ugu jeceshahay maadooyinka iyo waxa ay ku doorbido.
“Soomaaliga ayaan ugu jeclahay,” ayay tiri iyada ku hadlaya luqadda dhegoolayaasha. “Sababta oo ah waxaan rabaa inaan kula xiriiro bulshada; waxaan sidoo kale rabaa inaan noqdo dhaqtarad si aan dadka xanuunsan u daweeyo,” ayay sii raacisay.
Zakariya Axmed oo isna dhiganaya fasalka labaad hadda kahor maanu xiran dhar u gooni ah wax-barashada. Sida Xamdi ayuu sheegay inuu afka Soomaaliga ugu jecel yahay maadooyinka loo dhigo. Balse maxaa taas ugu wacan labaduba?
“Sababta oo ah waa sida kaliya oo aan kula xiriiri karo bulshadayda,” ayuu yiri. “Madaama aan sidoo kale doonayo inaan noqdo macalin ama bare, sidoo kale afku wuxuu ii yahay aalad aan wax ku fahamsiiyo ilmaha dhegoolada ah mustabqalka,” ayuu intaas kusii daray.
Ardayda halkan joogta waxay sida iskuullada kale wax ku bartaan afka Soomaaliga; waxaana loo dhigaa manhajka dalka iyo tan ugu muhiimsan intaas oo dhan ah alifbeetada Suuldhabaalaha oo saddex luqadood ka kooban si maaddo walba oo loo dhigayo ay afkeeda ku fahmaan.
Maxamed Bashiir Xasan oo 20-jir ah, in kasta oo uu culeys ka tebayo xagga maqalka, haddana waa macalin howlgal ku jira. Iskuullada caadiga ah ayuu wax kusoo dhigtay; lix bil ayayna ku qaadatay inuu kusoo barto luqadda dhegoolayaasha kahor inta uusan kamid noqon macalimiinta.
“Marwalba faruhu waxay inoo yihiin farruuryaha aan ku wada hadalno,” ayuu yiri. “Mana ahan wax adag waayo innaga oo dhan ayaa isku baahi; dad isku baahanna sidoodaba ma waayaan hab ay ku kala bogtaan.”
Maxamed wuxuu sheegay inuu wax badan oo yididiilo ah ka dareemayo hanka iyo doonista xooggan oo ay ardaydiisu u qabaan wax-barashada.
“Shalay iyo maanta isku mid ma ahan; waxaan u rajaynayaa inay maantana kasii fiicnaadaan oo ay meel sare ka gaaraan tacliinta,” ayuu yiri.
Mana ahan keligiis midka rejadaas qaba.
“Waxaan ku dadaalaynaa inay halka ugu fiican kaga soo haraan wax-barashada – oo ay kaalin fiican ku yeeshaan qeybaha bulshada,” ayay tiri.
Rihaam Ibraahim Canshuur waa maamulaha iskuulka dhegoolayaasha SEDDCO. Waxay sheegtay in bilowga ardayda maanta jooga iskuulka uu ahaa mid adag. Waayo ma ahayn kuwo loo filasho inay wax bartaan ama ay nolosha heer muuqda ka gaaraan.
“Qaar badan oo carruurtan kamid ah innaga ayaa waalidkooda ka dhaadhicinnay inay wax-baraan; maantana waad ujeedaa waa kuwo u geyfan inay tacliinta xejistaan,” ayay tiri.
“Waayo baahidoodu mayara; kuwa wax maqla uma baahna wax walba in looga warramayo; balse dhegoolayaashu waddada kaliya oo wax loogu tilmaami karo waa farta suuldhabaalaha iyo in qoraal lagula sheekeysto.”
Sidaas darteed subax walba gaari ayaa, si ardayda caadi ah, mid walba kasoo qaada gurigiisa. Waxayna halkan ku wada qaataan wax ka badan tacliinta. Halkanina waxay u arkaan meel iyagu leeyihiin iyo goob ay isku fahmaan – arrin ay Rihaam ku tilmaamtay is-beddelkii ugu muhiimsanaa ee noloshooda soo mara.
“Shalay dhegool markii la yiraahdo way ka caroon jireen; maantana maba dareemayaan inay dadka ka duwan yihiin,” ayay tiri.
“Waxayba aaminsan yihiin inay abuuranayaan duni u gaar ah oo ay xor u yihiin inay ku noolaadaan.”
In kasta oo aysan tiro koob rasmi ah oo lagu sameeyey tirade bulshada maqalka la’, haddana xaqiiqdu waxay tahay in jiil cusub oo nimcada maqalka la’ ay diyaar u yihiin inay sida asaagooda iska ridaan heeryada jahliga.
Qore: Zaki Hiraale.
You must log in to post a comment.