MUQDISHO (HN) — Galab casir liiq ah iyo gudaha Suuqa Qudaarta ee degmada Wadajir.
Qudaar-iibiye Maxamed Jeylani Cumar oo da’da afartameeyada ku jirana, wuxuu ka ganacsadaa qudaarta muddo toddobo sannadood ah. Laakiin la-yaab kuma ahan in marwalba oo bisha Ramadaan la gaaro uu sare u kaco qiimaha la iibiyo qudaarta – waana ujeeddo sababta ka dambeysa uu og yahay.
“Wallaahi jiilaal nagu daba-dheeraaday iyo duruufo kale oo is biirsaday ayaa noogu wacan,” ayuu yiri Jeylani isaga oo ku mashquulsan u adeegidda macmiil u taagan.
“Wax walba qiimihii lagu iibsan jiray lacag ayaa la saaray, sababtaas awgeed,” ayuu sii raaciyay.
In door ah marka laga yimaado goobtiisa, waxaa sidiisa oo kale galabnimada maanta joogta Seynab Abdiaziz Cabduqaadir oo labadii sannadood ee lasoo dhaafay kusoo jirtay ganacsiga qudaarta, hayeeshe sida Jeylaani, maalmahani waxay xusuusinayaan waagii sicirka suuqa uu circa isku shareeri jiray.
Waxayna tirin kartaa tirada inta nuuc ee maanta qaaliga ah oo aan la wada goynin Karin qiimahooda balse intii kari karta un ay iibsadaan.
“Allow afkayga been ka dhowr,” ayay ku bilowday ararta hadalkeeda. “80% qudaarta maanta halkan taalla ma ahan oo kaliya qaali, laakiin lama heli karo xattaa,” ayay tiri iyada oo tirinaysa nuucyada qudaarta qaaliyowday.
“Maxaa kale oo la sameyn karaa?” ayay is weydiiyay. “Sow qasab ma ahan in wixii la awoodi karo la iibsado, wixii aan la awoodinna la iska dhaafno?”
Mid kamid ah kuwa galabta u yimid inay shilinka ay heystaan wixii ay ka iibsan karaan suuqa kala tagaan waa Cumar Caddow Xaaji oo qiray inuu seyladda ugu yimid qiimo aanu ka war haynin.
“Waxaan galabta u imid qiimo aanan kusoo talagelin,” ayuu yiri. “Waxaana tagayaa anigoo wixii aan u imid inaan wada iibsado aan wada helin. Kaliya wixii lacagtaydu iigoysay ayaan iibsaday.”
Kaligiisna ma ahan kuwa aan qanaacada ku dareemeyn qiimaha qudaarta. Fowsiya oo si joogto ah inta badan uga adeegata suuqa, ayaana kamid ah.
“Wallaahi waxaa na saameeyey sicirka shidaalka oo cirka isku shareeray,” ayay tiri. “Wax walba qiimihii aan shalay ku qaadan jirnay mid ka badan ayaan ku qaadanaa.”
In kasta oo Soomaaliya hodan ku tahay qeyraadka qudaarta iyo mira-magaalaha, haddana, waxaa muuqata in sicirka bararka baahsan ee shidaalka ku dhacay oo qeyb ahaan loo aaneynayo dagaallada bariga Yurub ka jira uu saameyn ballaaran ku yeeshay.
Qore: Zaki Hiraale.
You must log in to post a comment.