MUQDISHO (HN) — Sarkaal booliska Florida katirsan ayaa lagu soo warramayaa inuu xabsiga u dhaadhiciyay cunug yar oo 3 jir ah oo uu isagu dhalay – isaga oo ku xiraya jeebad – kaddib markii sida la yiri uu isku kaadiyay!
Muuqaal aabbaha iyo inankiisa oo wada hadlaya oo ay qabatay kaameradda guriga ayaa la arkayaa sarkaalkan oo la yiraahdo Michael Schoenbrod kana tirsan waaxda Daytona Beach Police oo waaxda carruurta qoyska ku wargelinaya in wiilkiisa uu jebiyay xeerkii ay dhigteen oo ahaa inuu musqusha u aado kaadida iyo saxarada marka ay qabato – laakiin uu ku balanfuray!
Sidaas darteedna uu ku fulinayo xeer ciqaabeedka u degsan oo ah inuu maxbuus ku noqdo guriga oo jeebo looga dhufto gacmaha.
Sarkaalkan wuxuu sheegay in markii inankiisu uu la gegsan waayay xarigga iyo xurriyadda oo laga qaaday uu balanqaaday inuusan mardambe isku kaadin doonin.
You must log in to post a comment.