crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Kalluumaystaha xiriirka fog la leh Yaxaaska. | HimiloNetwork

Kalluumaystaha xiriirka fog la leh Yaxaaska.

MUQDISHO (HN) — Kalluumayste Induniisiyaan ah ayaa sheegay inuu xiriir 20 jirsaday la leeyahay yaxaas afar mitir gaaraya – uuna ugu yeero bulshada qeybteeda bogga ku socota.

59 jirka  Ambo oo ah kalluumayste ku nool Bontang wuxuu si un caan uga dhex noqday degmadiisa kaddib kolkii sida la yiri uu xiriir saaxiibtinimo la yeeshay yaxaas loogu yeero Rizka. Wuxuuna nolosha Ambo kamid yahay muddo 26 sannadood ah oo kasoo bilaabanaysa taniyo maalintii uu arkay. Kolkaas kaliya hal mitir ayuu yaxaaskani dhamaa. Maalintaas wuxuu yaxaaskani soo daba raacay doonta Ambo.

Markii Ambo uu si kastaba yimid xaafaddiisa, wuxuu ogaaday inuu la jiro yaxaaskii uu biyaha kusoo dhex arkay. Wuu soo dhaweeyey wuxuuna siiyay cunno. Waana halkaas meesha uu kasoo bilowday xiriirkooda.

“Haddii aan arag maalin ama ka badan waan raadiyaa,” ayuu yiri. “Waxaan ula dhaqmaa sida cunug aan dhalay.”

Yaxaaska oo ah mid dhedig ah Ambo wuxuu sheegay inuu u yeero si uu cunto u siiyo. Si kastaba, sannadihii dambe, dadka deegaanka waxay indhahooda ku arkeen xiriir aan caadi ahayn oo labadan ka dhaxeeya. Marwalba oo ay doontiisa aragto, way ku dhinac dabaalataa. Mana ka laabato ilaa uu dhabarka ka salaaxo. Markii ay baahi dareento waxay timaadaa gurigiisa. Isagana wuxuu usoo tuuraa wixii yaalla markaas si ay u cunto.

“Waxaa inta badan aan siiyaa saddex digaag si ay u cunto, durba marka ay cuntana, way iska tagtaa,” ayuu yiri. “Waana kala dardaarmaa jaarka inay quudiyaan haddii ay timaado aniga oo maqan.”

Xattaa muddo labo sannadood ah oo uu dibadda uga maqnaa magaalada, waxaa kaalintiisa buuxinayay kalluumaysatada kale, waxayna siin jireen wixii markaas ay awoodi karaan. Xaqiiqdii dhab ahaan ayay ula saaxiibtay dadka xaafadda, waxayna u arkaan ilaaliyahooda.

In kasta oo Ambo uu sheegay inuu sida cunug uu dhalay uu ula dhaqmo , haddana wuxuu qiray inuusan isku aami karin oo uu ka digtoon yahay maadama ay hal mar wada liqi karto isaga dhan haddii ay baahato. Wuxuuse hoosta ka xariiqay inuu doonayo inuu sii joogteeyo saaxiibtinimada kala dhaxeysa.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!