crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Dhismaha Dabaq ay ku nool yihiin 20,000 oo qof. | HimiloNetwork

Dhismaha Dabaq ay ku nool yihiin 20,000 oo qof.

MUQDISHO (HN) — Dhismaha Regent International oo ku yaalla Hangzhou, dalka Shiinaha wuxuu qaadi karaa inta ku nool degmo oo dhan 20,000.

Bartamaha Qianjiang Century ayuu dhacaa dabaqan, waxaana markiisii hore loo dhisay hoteel lagu raaxaysto, laakiin markii dambe wuxuu isku beddelay guryo laga kireeyo dadka caadiga ah waxaana uu ka kooban yahay in ka badan kun qolal isku go’go’an. Wuxuu dheer yahay  206 mitir, waxaana uu ka kooban yahay 36 ilaa 39 faloor ama lakab. Qaarkood waxaa loo qaabeeyey ganacsi ahaan, balse intiisa badan waa guryo la degan yahay.

Wuxuuna leeyahay barkado lagu dabaasho iyo dukaamo laga iibsado adeegyada fudud, tima-jarayaal, internet cafe iyo wixii soo raaca. Wax walba oo ugu yaraan aad u baahan tahay waad ka dhex heleysaa dabaqan. Sidaas darteed, uma baahnid inaad bannaanka u baxdo.

Wuxuu ku fadhiyaa wareeg dhan 260,000 oo mitir waana mid kamid ah kuwo ugu waaweyn dhismayaasha Shiinaha. Dadka ku nool waxay u dhaxeeyaan 11,000 ilaa 22,000 oo qofood.

Muuqaallada dhismahan oo ku baahay baraha Shiinaha iyo caalamka ayaa laga bixiyay aragtiyo kala duwan. Dadka qaar ayaa sheegay inay kusoo koreen degmooyin dadka ku jira dhismahan aysan joogin.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!