MUQDISHO (HN) — Da’du kaliya waa tiro. Waana oraah caan ah oo dad badan sida 72 jirta la yiraahdo Caaisha ay si dhab ah u aaminsan tahay madaama ay ku biirtay dugsi lagu barto sida looga gaashaanto weerarrada ama gacanqaadka ulajeedadiisu tahay in laguugu waxyeelo.
Waxay fadhiga uga soo kacday inay lix toddobaad oo joogto ah ku barato sida la isku difaaco iyada oo ku biirtay Akadeemiyad ku taal Blackburn.
“Sababta aan ugu biiray waa inaan muhiim u arkay inay wanaagsan tahay barashada xeeladaha iyo tabaha la isku difaaco,” ayay u sheegtay Lancashire Telegraph. “Aad baana uga hadlay deegaankan – wuuna iiga duwan yahay dhadhan ahaaan wixii aan horay u baran jiray.”
Caaisha waxay aaminsan tahay inay muhiim tahay qof walba inuu wax ka barto sida la isku difaaco ama looga gaashaanto waxyeelooyinka lala soo maago.
Halisaha iyo weerarada la iska difaaco wuxuu mowduuc kulul ka noqday gudaha Britain siiba haweenka Muslimiinta kuwaas oo bartilmaameed muuqda u noqday naceybka ka-dhanka ah Islaamka madaama ay xiran yihiin xijaabka.
Soo koritaanka walaaca jiritaanka naceybka baahaya, haween badan ayaa hadda doonaya inay ugu yarana lafahooda isku difaacaan marka ay joogaan goobaha shaqada ama ay socdaan waddooyinka.
You must log in to post a comment.