crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Doorashada Kenya – Maxaan ognahay loolanka loogu jiro Kursiga yaalla Harambee House? | HimiloNetwork

Doorashada Kenya – Maxaan ognahay loolanka loogu jiro Kursiga yaalla Harambee House?

MUQDISHO (HN) — Dadka Kenyanka ah ayaa saaka u dareeray dhiibasha codadkooda si ay u doortaan madaxweynihii shanaad taniyo markii ay xurnimada ka qaateen Ingiriiska. Waxaa ku loolamaya madaxweyne xigeenka dalka, William Ruto iyo hoggaamiyaha mucaaradka, Raila Odinga.

Haddaba, maxaan ka ognahay xaqiiqooyinka ku gadaaman doorashadan?

Doorashada maanta dhacaysa waxaa sidoo kale qeyb ka ah doorashada xildhibaannada, goleyaasha deegaanka iyo hoggaanka ismaamulka goboleedyada dalka.

Laakiin midda ugu adag oo indhaha lagu wada hayo ayaa ah midda madaxtinimada dalka.

Kaliya afar musharrax ayaa u tartamaysa kursiga ugu sarreeya dalka kuwaas oo laga soo xushay 17 musharrax oo xilkaas u taagnaa. Waana tiradii ugu yareyd abid musharaxiinta madaxtinimada Kenya taniyo sannadkii 1992.

Dastuurka ayaase u diidaya in madaxweynaha talada haya ee Uhuru Kenyatta uu isu soo taago xilkaas mar sadeexaad, hayeeshe, wuxuu codkiisa iyo taageeradiisa is-geeyey hogaamiyaha mucaaradka dalka, Raila Odinga oo ah 77 jir afar jeer oo horay looga guuleystay kursiga madaxtinimada Kenya – sannadihii 1997, 2007, 2013, iyo 2017. Laakiin taageerada Uhuru waxay hadda siinaysaa rejo iyo yididiilo ka xoogan doorashooyinkii hore ee looga guuleystay.

Laakiin wuxuu loolan adag kala kulmaya madaxweyne xigeenka dalka, William Ruto kaas oo xiriir adag iyo iskaashi xooggan la sameystay qabiilka Kikuyu oo ah midka ugu ballaaran Kenya – iyada oo weliba aanu kasoo jeedin isir ahaan balse uu ka dhashay Kelenjin oo ah qowmiyadda labaad ee ugu weyn dalka.

Balse labada kale ee kursiga u taagan ayaan awood sidaas u buuran lahayn.

Ku dhawaad 22 milyan oo Kenyan ah ayaa dhiibanaya codadkooda. In ka badan kala bar waa haween.

Dadka usoo baxa dhiibasha codadka matira yara aalaaba dalka Kenya. Sannadkii 2017-ka, 80% dadkii iska diiwaangeliyay dhiibashada codadkooda waxay goobjoog ka noqdeen goobaha laga dhiibto codadka.

Doorashadan ayaa xoogga lagu saarayaa xalinta iyo dhammeynta mushkilado dhaqaale, wax-is-daba-marin iyo musuqmaasuq la degay laamaha dowladda iyo deymo adag oo dalku ugu qaamoomay Shiinaha oo u dhisay jid tareen oo isku xiraya magaalooyinka Nairobi iyo Mombassa. Waxaana lagu leeyahay adduun 8$ bilyan oo dollar.

Shaqo la’aantuna waa mushkilad kale oo xooggan oo ay wajahayaan dhalinyarada Kenyanka ah.

Doorashada Kenya waxaa aalaaba ka dhasha qalalaaso iyo rabshado sababa barakac iyo dagaallo qowmiyadeed kaas oo galaafta nolosha boqolaal Kenyan ah. Sannadkii 2007 waxaa ku barakacay doorashadii dhacday in ka badan nus milyan dad ah.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!