MUQDISHO (HN) — Hadal dad badan ay ku tilmaameen dharbaaxo kulul oo lala dhacay wejiyada umadda Soomaaliyeed ayuu noqday weerihii uu madaxweynaha Uganda ka hor jeediyay wufuud ka soctay Soomaaliya oo uu hogaaminayay maadxweyne Xasan Sheikh Maxamuud kaas oo si yareysi iyo liidnaan leh u sheegay in Soomaaliya aysan lahayn qaran ama state isaga filnaato maareynta go’aamadeeda masiirigi ah.
Laakiin in kale ayaa kelmadaas adag oo uu madaxweynuhu adeegsaday ku sheegay run qaraar badan oo ay qasab tahay in sida kaniinka loo liqo – waayo ayay yiraahdeen, taniyo markii dalku yeeshay dowladda dhexe oo rasmi ah, majirto halbeeg dhab ah iyo hirgelin sal-adag oo dhidibada loogu aasay rukumada ay dowladnimada Soomaaliya ku taagan tahay.
Maxaase loogu yaabaa hadalkiisa? Dhab ahaan, ma ahan markii koowaad oo uu Yuweri Musaveni si cad iyo goob fagaare ah ka tilmaamo dhibta Soomaaliya heysta iyo sida aanay hoggaamiyaasha Soomaalidu ugu diyaarsaneyn qaadista mas’uuliyadda culus ee loo igmday oo uu amniga iyo sugidda nabadgalyada ay sees u tahay.
Mi ayaase hubaal ah. Soomaaliya in kasta oo dowladnimadeedu burburtay, haddana moral ahaan iyo bulsho ahaanba ma dhiman. Dalkiisa Uganda marka lala barbardhigo Soomaaliyada maanta ee kaalmaha hore kaga jirta dhinacyada war isgaarsiinta, tiknoolojiyadda, ganacsiga iyo warshadaha, way adag tahay inay kula baratamaan.
Marka aynu usoo laabanno hadalkii Musaveni, wuxuu dad badan ula muuqday mid waaqica ka tarjumaya oo aan lahayn meel looga gambado. Sababta oo ah ayay yiraahdeen, ku dhawaad 15 sanno oo laga joogo markii ciidamada Uganda ay yimaadeen Soomaaliya, majirin diyaargarow iyo u darbanaan muuqata oo dalka loogu diyaarinayo inuu isaga filnaado amnigiisa gudaha iyo xasiloonida guud ee dalka.
Madaama uu isaga ahaanna isku arko, tiir adag oo amniga Soomaaliya ay tahay in wax laga weydiiyana, la-yaab malahan ayay yiraahdeen falanqeeyayaasha siyaasaddu inuu fasirka uu doono saarto qorshaha ami oo madaxweyne dalka oo la doorto uu rabo inuu ku xaqiijiyo muddo xileedkiisa.
Waxaase khubdadda Musaveni laga dareemayaa saadaal la’aan uu ka muujinayo mustaqbalka dhow sida ay Soomaaliya u wajihi doonto marka ay dhacdo inay ciidamadiisu kasoo baxaan dalka dhaca geeska Afrika ama sida ay taas laftigeedu ku suuragali karto.
Maxaa kaaga baxay adiga ahaan hadalkii Yuweri Musaveni? – Aragtidadada nagula wadaag qeybta hoose ee farrimaha.
You must log in to post a comment.