crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Q1aad: Ereyo Jaceylka Xanbaarsan | HimiloNetwork

Q1aad: Ereyo Jaceylka Xanbaarsan

  • Hal mid ayaan hubaal u heystaa. Waad u qalantaa in lagu jeclaado.
  • Kii ku helaa nasiib leh.
  • Markii ugu horreysay oo aan ku arko ayaan jecleystay inaan kusoo biiro noloshaada.
  • Waxaa tahay gabadhii iigu qaalisaneyd oo aan abid la kulmo.
  • Waxaa tahay qofkii ugu horreeyey ee i baray jaceylka waxa uu yahay.
  • Waxaan kaaga mahad celinayaa inaad fursad ii siisay inaan ku jeclaado.
  • Ma moogi mana ilaawi karo jaceylkaada. Waayo xilligii uu ugu nuglaa wuu soo dhaafay.
  • Waxaan Ilaahay kaaga rajeynayaa inuu hadimo iyo murugaba kaa ilaaliyo.
  • Waxaan naawilayaa wanaagaada. Waxaan sugaa marka aad igu soo biiri doonto.
  • Ha dhibsan hadalkayga; hana u arkin weerahayga dhalanteed.
  • Hal erey ood i dhahdo ayaan ku hilmaami karaa wixii daqarro iyo diihaal ah oo aan usoo maray dartaa.
  • Waligaa ogow inaan ahay dhibane jaceyl oo dartaa u silcaya.
  • Waaya’aragnimo xanuun badan ayaan ka dhaxlay sida loo noqdo dhibane jaceyl.
  • Waxaad i bartay in jaceylkii dhabta ah uu wali nool yahay; adiga oo kalana uu ku harsan yahay qalbigeeda.
  • Ma ahan go’aankayga, dooqayga iyo dareenkaygaba inaan kaa dheeraado.
  • Farxadayda ayaad qeyb ka tahay. Waxa ugu qaalisan oo aan heysto waa adiga.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!