Akhriso — Farrimaha Jaceylka.
Posted by: Himilo
in Dhanbaallada
May 18, 2020
631 Views
- Anna maanta dabacsani, qalbigay damqanayee; Daa’in iyo adaa jira, wax daweyn karaayee, adiga iyo dadnimadaa.
- Adigoo aan igu digan, ama aadan igu dayan: nabarrada damqanaya waa dabar waqtigu sido deeqdii Allana maqan.
- Aniga adiga ayaa igu filan.
- Waxa kaliya oo aan sugo waa adiga.
- Waxaan kuu ballan qaadayaa inaan ku siiyo farxad iyo kalsooni.
- Niyadu meeshay rabtaa qalbigu ku nagaanayaa; noloshu ay jeceshahay naftaadana u qaali ah.
- Waxaad ii tahay nasteexo: nacabka aan uga ganbado: dhibaato ha ii nugleyn.
- Waligay kuma nicin: ka nixina ismaan oran Naruurooy.
- Nidar waxaan ku gali jiray; noloshaada awgeed, qalbigeedu nuuxiyo naafaba ha dhaafeen.
- Niyadsamida caashaqa waligaa ha naafeyn.
- Canbar iyo sidii luul ama dahabka ceeriin; ceynadoodi leedahay.
- Midka calaf ku siiyee; ku caruusa adigoo gogol kula caweeyaa cawo iyo ayaan leh.
- Ku caashaqay sharafeey ha ii jabinin cadawgee noqo mid aan ku ciil baxo.
Related
2020-05-18
You must log in to post a comment.