HomeDhanbaalladaAkhriso -- Farrimaha Jaceylka.

Akhriso — Farrimaha Jaceylka.

  • Anna maanta dabacsani, qalbigay damqanayee; Daa’in iyo adaa jira, wax daweyn karaayee, adiga iyo dadnimadaa.
  • Adigoo aan igu digan, ama aadan igu dayan: nabarrada damqanaya waa dabar waqtigu sido deeqdii Allana maqan.
  • Aniga adiga ayaa igu filan.
  • Waxa kaliya oo aan sugo waa adiga.
  • Waxaan kuu ballan qaadayaa inaan ku siiyo farxad iyo kalsooni.
  • Niyadu meeshay rabtaa qalbigu ku nagaanayaa; noloshu ay jeceshahay naftaadana u qaali ah.
  • Waxaad ii tahay nasteexo: nacabka aan uga ganbado: dhibaato ha ii nugleyn.
  • Waligay kuma nicin: ka nixina ismaan oran Naruurooy.
  • Nidar waxaan ku gali jiray; noloshaada awgeed, qalbigeedu nuuxiyo naafaba ha dhaafeen.
  • Niyadsamida caashaqa waligaa ha naafeyn.
  • Canbar iyo sidii luul ama dahabka ceeriin; ceynadoodi leedahay.
  • Midka calaf ku siiyee; ku caruusa adigoo gogol kula caweeyaa cawo iyo ayaan leh.
  • Ku caashaqay sharafeey ha ii jabinin cadawgee noqo mid aan ku ciil baxo.
Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments