HomeDhanbaalladaQ1aad: Ereyo Jaceylka Xanbaarsan

Q1aad: Ereyo Jaceylka Xanbaarsan

  • Hal mid ayaan hubaal u heystaa. Waad u qalantaa in lagu jeclaado.
  • Kii ku helaa nasiib leh.
  • Markii ugu horreysay oo aan ku arko ayaan jecleystay inaan kusoo biiro noloshaada.
  • Waxaa tahay gabadhii iigu qaalisaneyd oo aan abid la kulmo.
  • Waxaa tahay qofkii ugu horreeyey ee i baray jaceylka waxa uu yahay.
  • Waxaan kaaga mahad celinayaa inaad fursad ii siisay inaan ku jeclaado.
  • Ma moogi mana ilaawi karo jaceylkaada. Waayo xilligii uu ugu nuglaa wuu soo dhaafay.
  • Waxaan Ilaahay kaaga rajeynayaa inuu hadimo iyo murugaba kaa ilaaliyo.
  • Waxaan naawilayaa wanaagaada. Waxaan sugaa marka aad igu soo biiri doonto.
  • Ha dhibsan hadalkayga; hana u arkin weerahayga dhalanteed.
  • Hal erey ood i dhahdo ayaan ku hilmaami karaa wixii daqarro iyo diihaal ah oo aan usoo maray dartaa.
  • Waligaa ogow inaan ahay dhibane jaceyl oo dartaa u silcaya.
  • Waaya’aragnimo xanuun badan ayaan ka dhaxlay sida loo noqdo dhibane jaceyl.
  • Waxaad i bartay in jaceylkii dhabta ah uu wali nool yahay; adiga oo kalana uu ku harsan yahay qalbigeeda.
  • Ma ahan go’aankayga, dooqayga iyo dareenkaygaba inaan kaa dheeraado.
  • Farxadayda ayaad qeyb ka tahay. Waxa ugu qaalisan oo aan heysto waa adiga.
Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments