crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Q2aad: Ereyo iyo Oraahyo Jaceyl xanbaarsan. | HimiloNetwork

Q2aad: Ereyo iyo Oraahyo Jaceyl xanbaarsan.

  • Waxaan isku dayayaa inaan kuu abuuro farxad iyo kalsamaan.
  • Ma isiinaysaa fursadda aan kugula wadaagi karo nolosha?
  • Neecaw da’aysiyo nagaad lagu ildoogtaay: utintiyo nitaaqada waa u naafo caashaqa.
  • Gabban maayo aniguye; adaan kuu go’ee adna ii garaab.
  • Hagaarto nabad iyo naxariis midda aan ifka inta haween ku nool ugu jeclahay. Tii i bartay nolosha iyo qiimaha dadnimada.
  • Tii iga saartay dhalanteedka iina saartay dhab ahaanta caashaqa. Ma hilmaamin mana ku gaboodfalin jaceylkaada.
  • Waxaan doonayaa inaan la jirkaada ku hilmaamo wax walba oo dhacay. Waan ku jeclahay.
  • Dadku way la yaabeen. Si walboon isku kaa hilmaansiiyo, waan kari waayay.
  • Kaliya sidee tahay oo aad i dhahdo ayaan kaga bogsan karaa oofta igu dhagan.
  • Sharafeey, qalbiga dhaawaca gaaraya wuu i xanuunjinayaa.
  • Jaceylkaada ayaa i caddibaya i laxwinaya. Kamana nugli waayo adigaa laabtayda dagay.
  • Laabxadayda beerkiyo qalbigaad ka lulatoo, laxawgiina sii koror. Maxaa kaa Lillaahi ah caashaqa ha laline?!
  • Sida dhool gu’yoo da’ay dhaayaha u rooneey, wali waan dhursugayaa inaan wada dhammeyno.
  • Naf kuu nugul nacab laguma beero.
  • Indha caashaq waligood ilmo kama dhamaato. Damqashada jaceylkana dareen gaara weeye.
  • Dadna adigaa ugu qurux badan degaanka roobkiyo adigaa doogna ka udgoon.
  • Qaali luula nuureey, hadday quruxi wacan tahay ama ay qiimo leedahay, Qaadirkan ku dhaartaye, qarankii hablaha iyo runtii qalanjo waa adiga.
  • Haddaan qado anfaacada, adaan kugu qaboobaa.
  • Qof xun lama amaano qalad looma heesee, Qureyshtii haweenkaa tahay.
  • Sida roob qayoodoo saxansaxo qaboobaad laabtayda qaaday.
  • Dumar waa adoo qura dooqna waa kan igu jira. Duntuna igu kaa xiran.
  • Runta haddii aan qiro, ruux aan kugu qiyaaso kama qaadin indhaha.
  • Caashaqana daadihi waligaa hasii deyn.
  • Laabtayda waxaa buuxiyay farxadaada. Niyadayda waxaa camiray quruxdaada. Naftayda waxaa ifiyay dhoolla-caddeyntaada.
  • Sagal yaroo da’aayiyo dusha caadku isaga maray, deymada sideedii marka aan ku daawado indhahay daraandara.
  • Adigaa hortaa, noloshu waxay ii ahayd sida habeen dayax iyo xiddigo la’aan ah.
  • Way adag tahay sida kalsooni loogu dhiso qalbi jaceyl aawadiis u dhaawacmay.
  • Ma ogaan kartid qiimaha uu leeyahay waxa aad heysato ilaa aad lumiso.
  • Laabtayda adiga ayaa qaatay oo qabbaan ka dhigtay.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!