Q3aad: Ereyo iyo Oraahyo Jaceyl Xanbaarsan.

  • Haddii aad ii jeceshahay sida aad ii sheegtay, fadlan ilaali qalbigayga. Waad qaadan kartaa. Ha iga jabin oo kaliya.
  • Ha u ooyin qof aan isagaba kuu ilmeyn doonin.
  • Inay laan kula soo jabto lugna kaa jabto ayaa dhaanta in jaceyl kugu beermo laabtuna kaa jabto.
  • I jeclow kadibna adduunyada anigaa iska leh.
  • Waxaan kugu jeclahay ma ahan oo kaliya qofka aad tahay. Balse qofka aan ahay marka aan adiga kula joogo.
  • Waligaa waxba kaagama lumayaan inaad wax jeclaato. Waxay aalaaba wax kaaga lumaan gocashada iyo lahashada qarsoon.
  • Waxaa wax fudud inaad jeceelow noqoto. Waxa aan fududeyn waa helidda qof kula jiibiya.
  • Waxaan baadigoob u galay gayaankayga, walina kuf adiga kula mida sooma helin.
  • Noloshayda ayaan jeclahay waayo adiga ayay i kaa siisay. Adiga ayaan ku jeclahay waayo waxaa tahay noloshayda.
  • Kolka aad aragto nimcada Eebe, naawil. Waayo anigaba adigaan ku niyooday kaddibna waan ku helay.
  • Haddii aan lahaan lahaa doorashada inaan neefsado ama aan adiga ku jeclaado, waxaan neeftayda ugu danbeysa u adeegsan lahaa inaan kugu iraahdo – waan ku jeclahay.
  • Waxay yiraahdeen qofku mar kaliya ayuu wax jeclaada. Laakiin taasi gar ma ahan. Waayo mar walba oon ku eegaba waan kusii jeclaanayaa.
  • Waan ku jeclaan doonaa ilaa maalinta ka danbeysa abid.
  • Waa ilqabowsi mar kasta oo aan gacmaha is qabsanayno. Mar walba oo eegmo xeeldheer wadaagayno.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!