MUQDISHO (HN) — Maamulka degmo ku taalla dalka Sudan ayaa saddex sannadood oo xabsi ah ku riday Orgi kaddib markii uu herdiyay haweeney waayeelka kadibna ay u dhimatay.
Marka loo eego warfidiyeenka gudaha, Orgigan ayaa si xun u herdiyay islaan waayeel ah oo ku nool tuulada Rumbek East County iyada oo ka jabtay riciraha dhaawac daranna uu gaarsiiyay. Macadda cidda soo adeegsatay orgiga laakiin markii baaris lagu sameeyey, waxaa lagu riday xukun adag.
“Orgigu wuxuu islaanta ka herdiyay riciraha in yar kadibna way geeriyootay,” ayuu yiri Major Elijah Mabor. “Waa la xiray wuxuuna hadda ku jiraa saldhigga degmada.”
Wuxuu intaas kusii daray in orgigu uu ku jiro xabsiga inta lihilihiisa uu bixinayo megta haweeneydii uu dilay oo ah shan lo’. Marka uu soo dhammeysto xabsiga, orgiga waxaa sida sharcigu qorayo lagu wareejin doonaa ehellada qofkii uu dilay.
Sidaasna waxaa isku raacay laba qoys ee dhibku kala gaaray.



You must log in to post a comment.