crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Masjidka Kanada oo ‘hu’ iyo hunguri’ u qeybinaya Danyarta. | HimiloNetwork

Masjidka Kanada oo ‘hu’ iyo hunguri’ u qeybinaya Danyarta.

MUQDISHO (HN) — Siinta danyarta shucuur Ramadani ah, samafalayaasha Masjidka Al-Rashid ee Edmonton, Canada ayaa cunnooyin bisil iyo hu kala duwan la gaaraya kuwa ayaanka liita.

Munaasabadda waxaa lagu qabtay Boyle Street Plaza waxaana kaalmo loogu fidiyay wadar danyar ah.

“Ramadaanku waa wax wada qeybsi iyo isku naxariisasho,” ayay tiri Maryam Lary, isku duwaha xiriirka warbaahinta ee Masjidka. “Waa noo muhiim inaan isgaarno waxna ugu deeqno kuweenna tabaalaha adag ku jira.”

Dhacdadan waxaa loo qabtaa sannadle gaar ahaan bisha Soonqaad si loo baahiyo farriimaha naxariista iyo jaceylka ee diinteenna suubban u ah bud-dhig.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!