Delhi (Himilonetwork) – Nin ayaa dhawaan laga soo saaray xabaal uu muddo sideed saacadood ah uu ku duugnaa – isaga oo doonay inuu dib usoo noolaado si uu u noqdo Ilaah ‘God’.
Deeraj Kharol, kaas oo muddo badan ku nool macbad lagu magacaabo Karocho ka Kheda ayaan dhawaan ku dhawaaqay inuu go’aansaday nolosha in lagu aaso si uu usoo baxo saddex beri kaddib isaga oo sifada Ilaahnimo gaaray.
Halkii ay aheyd in dib u eeg lagu yiraahdo go’aankaada, dadka xaafadda ayaa u sheegay inay u dabaal-degayaan tallaabadiisa oo ay sido kale u sahlayaan inay u qodaan xabaasha uu doonayo in lagu aaso.
Arbacadii dhaweyd oo ku beegneyd maalinta koobaad ee Navratra, waxay ku duugeen iil weyn oo ay uga ag qodeen macbadka. Dadka xaafadda ayaa iskugu soo baxay dhacdada. Marka xabaasha iilka lagu daday dhagxaan, qaarkood ayaa bilaabay inay caabudaan.
Nasiib-wanaag, warkiisa ayaa ku baahay dhegaha bulshada degamada ilaa laga ogaaday taliska booliska xaafadda. Waxaana durba goobta soo gaaray qaar kamid ah saraakiisha booliska si ay baaritaan ugu sameeyaan dhacdada taagan.
Mansingh Dev iyo saraakiisha kale ee goobta soo gaaray waxaa markii ay dooneen inay tallaab qaadaan kahor istaagay dadka xaafadda kuwaas oo ka diiday in cibaadadooda laga fara-geliyo. Booliska ayaa kolkii hore dadka degaanka ka dhaadhiciyay in qof nool oo xabaal lagu aaso ay keeneyso inuu hawo la’aan u dhinto oo neeftu ku dhegto.
Kharol ayaa miir-beelnaa markii boolisku ay kasoo saareen iilka. Waxaana loola cararay isbitaalka ugu dhow. Hadda wuxuu ku jiraa xaalad iska degan. Wuxuu in yar kaddib u sheegay booliska inay aheyd go’aan uu isagu lahaa sababtii loo aasay; dadka degaankana aysan wax eed ah saarneyn.
Hadda kiis ayaa laga furay Kharol iyo dadka xaafadda oo ku garab istaagay go’aankan halista geliyay naftiisa.
You must log in to post a comment.