crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Nin si xeeladaysan iskaga furay xaaskiisa – iyada oo aan ogeyn! | HimiloNetwork

Nin si xeeladaysan iskaga furay xaaskiisa – iyada oo aan ogeyn!

MUQDISHO (HN) — Booliska ayaa ku daba jira baadi-goobka nin la sheegay inuu furay xaaskiisa ogaal la’aanteeda. Mana dhicin inuu marna la socodsiiyo inuu furayo.

Paul Nixon, oo 51 jir ah, wuxuu si xeeladeysan usoo xaday saxiixa xaaskiisa isaga oo kusoo dhigay warqadda codsiga kala-taga lammaanaha. Wuxuuna Maxkamadda ka dhaadhiciyay inay heshiis ku yihiin inay kala tagaan. Maadama laba saxiix ee lamaanaha ay ku dhigan yihiin warqadda, xeer ilaaliyaha ayaa dul saaray saxiixiisa si uu u dhaqan-galo.

War fidiyeenka ayaa ogaaday in haweeneydan ay marnaba la socon tallaabada uu qaaday ilaa iyo goor danbe markaas oo – xilli ay ku murmayeen ku takri-falka lacagaha badan – uu u sheegay inuu goor hore iska furay oo in badan aysan hadda sii aheyn xaaskiisa.

Booliska ayaa haddaba ku heysa Nixon sababtii uu usoo xaday saxiixa afadiisa si uu iskaga furo. Waxaa kale oo dhici karta in lagu soo oogo danbiyo kale oo qoyska la xiriira marka lasoo qabto.

Waxaa lagu ridi doonaa xabsi dhan 10 sano. 

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!