Nin dhintay kadib markii Bambo uu isku sawirayay ay ku qaraxday!
Posted by: Zakariya
in La-yaabka
December 5, 2017
546 Views
Muqdisho – Nin jeclaa inuu sawir selfie ah isaga oo gacanta ku heysta bamboo ayaa dhintay markii uu ku qarxay wajigiisa, marka loo eego booliska Ruushka.
Booliska Labinsk ayaa sheegay in 26-jir lagu magacaabo Alexander Sasha Chechik uu u dhintay falkan.
Waqti kahor intuusan qarxin, wuxuu ku fariistay gaarigiisa, isaga oo bamboo nool gacanta ka heysta.
Wuxuuna markaas kadib ganta ka furay bambada, isaga oo dhowr sawir kula galay saaxiibadiisa.
Saaxiibkiis ayaa u sheegay inuusan falkan naxdinta leh ku dhaqaaqin. Balse wuu ku gacan-seyray.
Sawirada laga soo qaaday ayaa muujiyay sida foosha xun oo bambku ugu qarxay.
Walise waxaa socda baaritaan booliska ay ku hayaan.
Xigasho – radiohimilo.so
Related
2017-12-05
You must log in to post a comment.