crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Muslimiinta Burundi oo helay Tarjamadii ugu horreysay Qur’anka. | HimiloNetwork

Muslimiinta Burundi oo helay Tarjamadii ugu horreysay Qur’anka.

Burundi (Himilonetwork) – Dadaal ay sameeyeen Ururka Muslimiinta Burundi ayay ku guuleysteen inay soo saaraan tarjamada Qur’anka oo ku qoran afka Kirundi oo ah mid kamid ah labada luqadood ee rasmiga ah oo looga hadlo dalkaas.
“Taniyo markii diinta Islaamku soo caga-dhigatay dalkani, waa tallaabtii ugu horreysay oo muhiimad weyn inoo leh inaan ku guuleysanno,” Sheikh Sadiki Kajandi, oo ah guddoomiyaha Ururka ayaa u sheegay Anadolu Agency.
Tarjamada ‘erey-tebinta’ Qur’anka ee afka Kirundiga waxaa fududeysay Association for Mutual Aid and Solidarity (AMES). Waana natiijada dadaal qaatay muddo sideed sanadood ah.
Kirundi ayaa ah luqad aan kaliya looga hadlin Burundi balse sidoo kale dalalka Tanzania, Democratic Republic of Congo iyo Uganda.
Muslimiinta Burundi ayaa tirada dadweynaha dalkaas waxay ka yihiin 10-15%.
Marka loo eego taariikhyahannada, Islaamka ayaa yimid dalka Burundi qarnigii 19aad.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!