crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Haweeney adeerkeed oo meyd ah u kaxaysay Bangiga si ay….. | HimiloNetwork

Haweeney adeerkeed oo meyd ah u kaxaysay Bangiga si ay…..

MUQDISHO (HN) — Markii Érika de Souza Vieira ay adeerkiis lasoo gashay bangiga – iyada oo ku riixaysa gaari cuuryaamada – howlwadeennadu waxay dareemeen in qofka la wadaa uusan dhab u nooleyn oo uu meyd yahay.

“Uma malaynayo inuu fiican yahay. Umana muuqdo qof caadi ah oo nafi ku jirto,” ayuu yiri mid shaqaalaha kamid ah isaga oo eegmada ku sugaya wejiga adeerkeed oo saran gaariga ay ku riixayso ee cuuryaamada.

Sababta ay Erika ula soo degdegtay adeerkeed bangiga waa inay doonaysay inay ka saxiixato lacag dhan 17,000 oo reais oo amaah ah una dhiganta $3250.

Paulo Roberto Braga oo ah adeerkeed wuxuu ahaa 68 jir naftu ka baxday oo aan nooleyn. Waxayse u arkaysay inuu weli sii meteli karo nolol si ay uga saxiixato lacagta ay bangiga ka rabtay.

Erika waa la xiray in yar kaddib dhacdadaas waxaana lagu qaaday dambiga ah inay ku xadgudubtay xormada qofka meydka ah jirkiisa – iyo isku dayga ah inay rabtay wejigiisa iyo magaciisa ku dhacdo ama ku qaadato lacag, sida ay kusoo warramayso Rio Newspaper.

“Way ogeyd inuu meyd ahaa; wayna la socotay in labo saac kahor ay naftu deysay,” ayuu yiri Fabio Luiz oo ah sarkaalka gacanta ku haya galka baaristeeda.

“Way ii dhiman tahay dhacdadan oo kale – weligayna indhaha kama qaadin muddadii 22-ka sano ahayd oo aan kamid ahaa dambi-baarista.

Wuxuu hoosta ka xariiqay inaysan jirin marmasiimo loo cuskan karo falkan bani aadnimada ka baxsan oo ay haweeneydan kula kacday adeerkeed.

Muuqaalka ay ku walwaalayso adeerkeed gaariga cuuryaamada ayaa ku baahay baraha bulshada Brazil oo ay hadalheyn qaran ka dhex abuurtay gudaha dalka dhaca koofur America.

Faalooyin kala duwan ayaa laga bixiyay arrintan oo ay warbaahintu cinwaano uga dhigeen.

“Waa wax aan inaba la aamini Karin; waxay  qof meyd ah u kaxaysay bangiga –iyada oo rabta in qof dhintay ay lacag kaga soo hesho.”

Wariye kale ayaa intaas kusii daray: “qof kasta oo wejiga ninkaas fiiriya wuxuu dareemi kara inuusan nooleyn oo uu meyd fadhiya yahay.”

Laakiin qaar kale ayaa u meel dayay Erika iyaga oo sheegaya in Paulo markii bangiga la keenayay ay naftu ku jirtay oo uusan dhiman – balse goor dambe ay ka baxday.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!