crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> 20-jir ku guuleystay Tartanka Qur’anka Sannadlaha ee Nigeria. | HimiloNetwork

20-jir ku guuleystay Tartanka Qur’anka Sannadlaha ee Nigeria.

Lagos (Himilonetwork) – Wiil 20-jir ah oo ayaa ku guuleystay tartanka Qur’anka sannadlaha oo ka dhacay Katsina, waqooyiga dalka Nigeria – xilli madax-weynaha dalkaas uu Muslimiinta ugu yeeray inay qowlka Alle u adeegsadaan sida uu farayo.
“Dhammaan diimaha Samaawiga ahi waxay na barayaan inaan ku wada noolaanno nabad iyo ixtiraam,” ayuu yiri madax-weyne Muhammadu Buhari. “Way iska cadahay inay Qur’anka yahay maaxda ugu weyn ee laga heli karo nolosha Insaanka. Wuxuu ina barayaa cadaaladda iyo inaan u sinnaano dadka oo dhan – u eegis la’aan xittaa kuwa aan Muslimiinta ahayn.”
“Waqtigii Nabigana waxaa jiray Boqor Masiixi ahaa – Nagaashi – oo Saxaabadu u hijroodeen xaggiisa si ay uga nabad-galaan cadaadiskii lagu hayay,” ayuu sii raaciyay.
Amiru Yunusa oo ah wiilka ku guuleystay kaalinta koobaad, waxaa lala dhinac sharfay Amina Ahmad oo iyadana kaalinta koobaad u gashay gabdhaha.
Dr. Sani Yunus Birnin-Tudu, oo madax ka ah guddiga qaban-qaabiya qabsoomidda tartamada Qur’anka ayaa sheegay in 360 tartamayaal ah oo ka kala socda 32 gobol ee Nigeria ay kasoo qeyb-galeen tartanka.
Wuxuu intaas kusii daray in tartamayaasha ay ku loolamayeen xifdiska Qur’anka kariimka iyo tarjumadiisa.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!