crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Muslim adduun dhan $20,000 ku bixinaya xal-u-helidda darbi-jiifta Toronto. | HimiloNetwork

Muslim adduun dhan $20,000 ku bixinaya xal-u-helidda darbi-jiifta Toronto.

MUQDISHO (HN) — Ganacsade u dhashay dalka Kanada oo Muslim ah ayaa adduun dhan $20,000 ugu deeqay dowladda hoose Toronto si ay wax uga qabato dhibaatada hoy la’aanta ah ee heysata dadka darbi-jiifta ah.

Mohamad Fakih wuxuu sheegay in samafalayaashu ay diyaar u yihiin inay xal dedgeg ah u helaan dhibaatadan oo dadka hoy la’aanta ah lala gaaro gabaad ay ku hoydaan.

“Uma baahna gacantaag waxay u baahan yihiin gacan qabasho,” ayuu yiri. “Waa innaga oo kale oo ay dantu ciishay, waxayna u baahan yihiin daryeel iyo mudnaan.”

Wuxuu dowladda iyo muwaadiniintaba ugu yeeray inay wax ka qabtaan arrintan oo ay kaalintooda la yimaadaan.

Dad gaaraya 30 qof ayaa ilaa hadda hoy la’aan ku ah caasimadda Toronto waxaana socda dadaal looga hortagayo inaysan dhibaatadan faraha ka bixin.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!