crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Markay Lammaanuhu Mid Noqdaan! | HimiloNetwork

Markay Lammaanuhu Mid Noqdaan!

Muqdisho (Himilonetwork) – Habeenka ugu horreeya labada qof ee geeddi-socodkooda uga dhiman nolosha, dad badan waxay la tahay guusha ugu danbeysa juhdi iyo dadaal ay kusoo bixiyeen waqti badan sidii ay kusoo gaari lahaayeen kama-danbeysta.
Hayeeshe, waa bilowga nolol aan dhammaad laheyn – wad iyo calaf mooyee – oo ay wada qeybsanayaan. Waana xiriir ay ka midoobayaan caqliga, jinsiga, dabeecadda iyo sir aanay cid kale la wadaagin oo labadooda si gaar ah u dhex maraysa.
Marka ay galaan lammaanuhu habeenka koobaad ee Bisha Malabka oo tallaab ka ah safarka dheer ee midnimada noloshooda, waa waqti marxaladdii kalinimo ee nolosha qof walba lagu bedelayo nolol ku dhisan wada-hadal, go’aan wada qaadasho iyo mas’uuliyad iyo waajibaad wadareed ka dhaxeeya.
Balse micnahaasi qotoda dheer lammaanayaal badan uma lahan aqoon iyo khibrad fiican.
Guurku waa fan u baahan aqris, cilmi-baaris iyo u kuur-galitaan badan. Mana jirto wax la yiraahdo xaas wanaagsan iyo sey fiican. Lama huraan waxaa ah in qofka guursanaya uu fikrad fiican ka heysto sida loo noqdo reer samo ku wada yaal- isaga oo taasi umaraya wixii laga qoray ama laga yiri guurka iyo nolosha lammaanaha. Waxna ku qaadanaya tusaalayaashii dhaxal-galka noqday oo laga diiwaan-geliyay guurarkii lagu liibaanay.
Bilowga nolosha lammaanaha waxaa ku sugan farxad, kalsooni iyo jaceyl xad-dhaaf ah. Hayeeshe, waa tallaabooyinka xiga Maalmaha Bisha Malabka, midda go’aaminaysa nuuca uu reerka cusubi kusoo if baxayo iyo saadaal laga bixiyo halka uu ku furan doono. Sida caadada ah labada qofi marka ay midoobayaan, wax badan midkood kan kale kama oga. Tallaabta ugu horreysa oo lammaanaha looga baahan yahay, si kastaba, waa in mid walba uu fahmaa waxyaabaha uu dhiggiisu kaga baahan yahay. Waxay yiraahdaan ‘faham baahida lammaanahaada si ay u xasisho naftaadu’.
Fahamkani ma ahan mid, sida dad badani la tahay, ku saleysan muuqaalka guud ee dabeecadda. Waa u kuur-galis qoto dheer oo qofku ku sameeyo waxa dhiggiisu ka doorbido waxa kale. Tusaale ahaan, haddii gabadhu amaanta ay ka doorbido hadyado aad usoo iibiso iyo wixii lamid ah oo aad fahamto waxay xasilisaa naftaada, waxayna sacaado gelisaa qalbiga lammaanahaada.
Qofka kasta wuxuu leeyahay luqad uu ku fahmo jaceylka. Waxaa jira buug lagu magacaabo 5 Love Language kaas oo tilmaama in jaceylka lammaanaha uu yahay sida kaalin shidaal oo mar walba haddii aan la buuxin faaruqaysa isticmaal kaddib. Jaceylkuna wuxuu u baahan yahay in maalin walba la cusbooneysiiyo. Boorka laga jafo oo laga dhigo mid sidii shalay ka qurux badan. Fasiraad oo kaliya uma baahna jaceylka lammaanaha is-qaba ay isku qabaan. Wuxuu u baahan yahay in lagu laro qurxin iyo naashnaash hadiyo jeer.
Lama heli karo guur guuleysan kara bilaa kalsooni. Lama heli karo kalsooni iyada oo aan si laab furan loo wada hadlin. Lammaanuhu mar walba waa inay maskaxda ku hayaan waqti u gaar ah oo ay labadooda isku helaan si ay iskaga xal wareystaan xaaladaha soo kordha iyo qorshaha xiga iyo sidoo kale inay si kalinimo ku dheehan tahay u neefsadaan kalsoonida farxadeed ee neecawda jaceylkooda. Waana in kulankooda noqdaa bishii mar iyo xittaa sannadkiiba mar – haddii aysan heli karin toddobaadkiiba mar ama habeen walba.
Culimada ku xeel-dheer cilmiga bulshada waxay guurka lammaanaha is-qaba wada sheekeysi la’aanta ku tilmaameen ‘hidden divorce’ ama ‘furriinka dahsoon’. Waayo lammaanuhu waxay isku qabaan magac ahaan, balse waa kuwo kala furan guri ahaan – oo aan fikirka ka sinneyn, dareenka ka midaysneyn; iskuna caadifooneyn.
Mid kale oo kamid ah sirta ku jirta guurka guuleysta waa in lammaanuhu gaaraan heer midba kiisa kale uu ku aqbalo ceebihiisa. Haddii ay gaaraan heerkan, kala bar mushkilaadka kahor imaanaya, way tirmayaan. Waxay yiraahdaan culimada cilmiga nafsiga iyo bulshada ku gaaroobay; guurka liibaana kuma dhisna wanaaga ay lammaanuhu leeyihiin, balse wuxuu ku najaxaa aqbalista ceebaha ay wada leeyihiin.
Waa wax iska fudud in qofka aad ku jeclaato wanaagiisa. Taasina guurku kuma dhisna. Balse waa in qofku uu dhiggiisa ku yiraahdo; ‘waxaan kugu aqbalay aniga oo og ceebahaada.’
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!