crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Sifada ay Wadaagaan Soomaalida iyo Ibliiska. | HimiloNetwork

Sifada ay Wadaagaan Soomaalida iyo Ibliiska.

Muqdisho (Himilonetwork) – Markii Eebe ina Adan usoo dejiyay arlada guudkeeda – si ay ugu cammiraan – wuxuu faray inay iska ilaaliyaan dhagarta Sheydaanka. Wuxuuna u tilmaamay jidadka uu ugu soo gabban karo. Balse, ina Aadan waligiis si sax ah uguma hoggaansamin amarrada Eebe faray. Baaqaasina uma ajiibin sidii ugu habbooneyd.
Waxaa muuqata in – wixii shalay Nabi Aadan CS iyo afadiisa Xaawo kasoo saaray Jannada ay wali heystaan ina Aadanaha nool qarni kasta.
Kolkii Eebe abuuray Aadan iyo Xaawo, wuxuu Ibliis faray inuu u sujuudo. Balse taasi wuxuu ka keenay asaraar. Wuuna ku gacan-seyray amarkii Eebe. Kolkii Alle su’aalay sababta uu ku diidayna, wuxuu ugu jawaabay: ‘anigaa ka kheyr badan; oo waxaad iga abuurtay dab; isagana waxaad ka abuurtay dhoobo.’
Waana markii Eebe ku riday nacladdiisa una sheegay inuu kamid yahay kuwa la fogeeyey. Sheegadaas qafal-mardaxnimadu wehliso, waxay wada bedeshay Ibliis noloshiisa inta ka dhiman. Waxayna bilow u noqotay caro Eebe oo ku dhacda taniyo Qiyaamaha.
Balse ayamaa Ibliis u sheegay inuu Aadan kaga fadli badan yahay xagga abuurka?! Yaa ku yiri; dab ayaa ka fiican dhoobo?!
Haddii uu kugu jiro cujbi iyo is-qaad-qaad aad isagala weyn tahay bani Aadanka kula nool, ama ay kula weyn tahay qabyaaladda reer tolkaa iyo dheeraadka ay heystaan inaad ugu faanto qabiillada kale, ogsoonow inaad sidii Ibliis u dhaqmayso. Inaad aaminsan tahay in qabiilkaadu ka fiican yahay qabiiladda kale. Inay qabiillada kale uga sarreeyaan abuurka, ugana dhow yihiin fadliga Eebe.
Insiga iyo Jinniga waa laba noole oo xisaabta aaqiro u qoolan. Marka laga yimaado Jinka, Insigu waa qoyska qura ee arlada maamulkeeda Eebe uga wakiishay noolaha intiisa kale. Hayeeshe, aadmigu taniyo markii uu arlada guudkeeda yimid, kasokow mas’uuliyadda lagu waajibiyay, wuxuu ku noolaa kala fadli iyo dheeraad sheegasho uu midba midkiisa kale ugu faano.
Dib marka loo raaco taariikhda geeddi-socod ee ina Aadan uu dunida kusoo dhaqmay, marna ma dhicin in midnimada ku wajahan qoys qura oo Insaani ah si guud loogu wada howl-galo. Balse kala duwanaanta Eebe nagu kala duway xagga midabka, afka, diinta iyo mad-habta, degaanka iyo dhaqanka ayaa loo arkay sabab kala fogeyneysa bulshooyinka adduunweynaha.
Waxaa aad u kala fog xikmadda Eebe ka leeyahay kala duwanaanteenna iyo sida ay mushkilad hadiyo jeer soo taagan ugu noqotay wada noolaanshiyaha bashariyadda. In yar ayaa mar walba dhadhamin jirtay macaanka xeesha dheer ee xikmaddan rabaaniga ahi leedahay. Waana kuwaas inta mar kasta dunida ku hoggaamin jirtay aqoon iyo ilbaxnimo – u eegis la’aan caqiidada diimeed oo ay heystaan; Muslim iyo Gaalba.
Xittaa dunida Galbeedka oo maanta hoggaamisa ilbaxnimada aqoonta iyo tiknoolojiyadda casriga ah, sirta ugu weyn oo ay dunida kaga horumareen  waa fahamka wada noolaanshaha iyo midnimada ay ku leedahay horu-kaca nolosha iyo geeddi-socodka xadaaradda. Iyaga oo ku kala nool dalal; kala heysta diimo iyo madaahib: ku kala duwan midabka iyo dabeecadda degaannimo, waxay suura-geliyeen inay ka midoobaan kala duwanaantaas: kuwana midoobaan hal aragti oo qura – dan-wadaag iyo iskaashi.
Marka aan usoo laabto, ka Soomaali ahaan, waxa dib noo dhigay oo naga reebay qeyrkeen waa sababo aan gacmaheenna ku abuuranay. Waana ficillo aan ku saleynay kala sarreynta iyo badnaanta kuwaas oo beddelkii ay nagu midayn lahaayeen iskaashi iyo wax-wada-qabsi, asaageen naga reebay.
Sooyaalkii hore ee Soomaalida marka laga soo bilaabo ilaa iyo maanta, si xun u adeegsiga qabiilku wuxuu ahaa halista ugu weyn. Markii waliba aan kusoo if baxnay nolosha reer magaalnimada, waxaan qabyaaladda ula soo guurnay siday aheyd.
Nasiib-darro, wali waxaa muuqataa inaan kusii dhagan nahay ku dhaqanka qabyaaladda. Balse aynan si sax ah ugu foojigneyn. Qofku wuxuu is weydiin karaa – haddii laga soo tagay dagaal sokeeye iyo beelo Soomaaliyeed oo hadda mar kale isku dirira qabyaalad, waa maxay ciriqa muuqda ee aafada qabyaaladda?!
Su’aashaas jawaabteeda haka raadin meel dheer. Waxaa kugu filan inaad dharaar iyo habeen: dhugmo gaar ah siiso hab-dhaqankeenna. Hadalladu laga yaabee inaysan mar walba ka tarjumin sida aan u fikirno. Laakiin marka ereyada ugu badan ee dhagaheenna kusoo dhaca ay isku mid iyo sifo gaar ah tilmaamayaan, waxa aan halkaas ka ogaan karnaa waxa aan nahay iyo heerka uu la’eg yahay hab fikirkeenna guud.
Haddana waxaa is weydiin leh: Soomaali ahaan miyaynan wali fahmin in – mar walba oo aan si fudud ugu dhawaaqno ereyada qabyaaladeysan oo aan iskugu faanno ama aan isku liidno sida; laandheere, gob, gun, laangaab, looma-ooyaan, others, iyo wixii lamid ah – aan sidii Ibliis uu Nabi Aadan ula dhaqmay oo kale si lamid ah aan bani Aadanka nala midka ah isaga weynaaneyno oo aan ku socno danbi iyo caro Eebe?!
Runtii tani waa musiibo. Waxaana kasii musiibo badan marka aan ognahay in maalin walba abuurka Eebe uu midkeen kiisa kale kaga fadli sheeganayo. Waana halka carada nagu habsatay ay naga soo raacdo.
Mahadhadaas waaya’aragnimada xanuunka badan ku ah bulshada lagu heyb sooco qabiillada Eebe ka dhaliyay, kaliya ma ahan mid Eebe aaqiro nagu ciqaabi doono. Balse waa halis adduunyada dhexdeeda nagula dhadhansiin doono caaqibada naga haleesha.
Waase haddii aan tusaale yar ku qaadan laheyn taariikhdeenna si aan arrinta adduunyo ahaan isaga xalinno. Taariikhdeenna gudaheeda waxaa laga dhex heli kara qabiillo Soomaaliyeed oo saldanooyin iyo boqortooyo ahaa, balse maanta kamid ah beelaha yaryar ee la sed bursado.
Haddii aysan damaanad u heysanin kuweenna qabiillada ay ka dhasheen ku sheegta laan-dheeranimo – oo ay og yihiin inay waligood sii ahaan doonin laandheerayaal – ugu yaraan walaallada la nool ha kula dhaqmaan debecsanaan iyo sinnaan. Qabiilka haloo adeegsado qaaraan-wadaag iyo iskaashi.
Haddiise aan laga run sheegin abuurka siman ee Eebe oo lagu wada qanco sida uu noogu kala fadilay tirada, tayada iyo tigaadda, ugu yaraan waa laga maarmi karaa adeegsiga ereyada na kala dilaya ee qabyaaladda abuuraya.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!