crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Waayeel Masiix ah oo arday Muslimiin ah Qur’anka u dhiga | HimiloNetwork

Waayeel Masiix ah oo arday Muslimiin ah Qur’anka u dhiga

Qaahira (Himilonews) – Oday waayeel Masiixi ah oo ku nool koofurta dalka Masar ayaa kor u qaadaya heerka wada noolaansho ee diimaha kala duwan ee Samaawiga ah – isaga oo da’yar kula nool xaafaddiisa u aqrinaya kitaabka Qur’anka waqtiyada uu nasiinada leeyahay.
Sheekadan ayaa soo shaac-baxday kadib markii baraha bulshada lasoo dhigay muuqaal fiidiyow ah oo ay ka dhex muuqdaan odaygan Masiixiga ah iyo ilmo yar oo Muslimiin ah – isaga oo u meerinaya aayado Qur’anka kamid ah.
Muuqaalka ayaa sidoo kale muujinayay odayga oo gacanta ku heysta kitaabka Qur’anka ah. Carruurta ayaa la arkayay iyaga oo ka daba aqrinaya aayadaha uu u meerinayo.
Fiidiyowgan ayaa saacado kooban ku dhex baahay baraha bulshada isaga oo helay 819,000 oo aragti ah, 32,000 oo helitaanno ah iyo in ka badan 11,000 wadaag ah.
Faallooyinka laga bixinayay ayaa sidoo kale u badnaa kuwo togan. “Waxaan ahay Muslim waxaana aad ii qiira-geliyay falkan waayeelkan Masiixiga ahi uu ku caawinayo carruurta Muslimiinta ah. Tani waxay muujinaysaa inaynan kala fogeyn oo ay jiraan waxyaalo badan oo na mideeya,” ayuu u qorneyd faallada uu bixiyay nin Muslim ah.
Mid kale oo Masiixi ah ayaa ku daray intaas: “Aad baan ugu riyaaqay aragtida muuqaalkan. Muslim iyo Masiixi kalama dheera. Waxaan jira waxyaalo badan oo aan si guud u wadaagno.”
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!