MUQDISHO (HN) — Intii u dhaxeysay 1992-1993, warbaahinta caalamka waxay soo tebinayeen muuqaallo argagax leh oo la xiriira abaartii ba’neyd ee ku dhifatay gobollada Bay iyo Bakool. Waxay ahayd waqti kale oo adag oo laga dhaxlay burburkii dalka iyo dagaalladii sokeeye ee dalka ku baahay.
Kahor intaanu ka degin magaalada Beydhabo Madaxweynihii Maraykanka G.W. Bush bilowgii 1993-kii, maalin walba waxaa gaajo awgeed u dhiman jiray 10 qofood. Toddobaad kasta in ka badan 100 qof ayaa dhiman jirtay. Waa kasta oo berya waxaa reeraha aqalladooda laga soo saari jiray meyd xalay baryay. Uurxumida jirtay waxay ahayd cunug yar oo ku naf baxaya dhabra hooyadiis iyada oo muuqaallada adduunweynuhu toos u tebinayaan.
Carruurta qaar iyaguna waxaa sugi jiray mustaqbal aan kaliya rajaynimo ahayn, balse usii nugleynaya cadaw aan u muuqan oo ahaa gaajada.
Gudaha muuqaal dukmentari ah oo laga duubay wiil yar oo reerkii uu la socday ay uga tageen waddada dhinaceeda madaama uu tahli waayay inuu lasii jaanqaado ilaa iyo halkii ay bartilmaansanayeen ayaa kamid ah qisooyinkii aramida lahaa oo laga diiwaan-geliyay abaartii xumeyd ee sida ballaaran u aafeysay dad iyo duunyo wixii kaga noolaa koofurta Somaaliya.
Shan maalin isaga oo raashiin adag dhuuntiisa uusan marin ayay markiiba siinayaan cunno. Labadii dhashay waxay 10 maalin kahor waqtigaas ku dhinteen jidka dhexdiisa, dadkii uu la socdayna ma ay awoodi karin inay qaadaan. Sidaas darteed, waxay ku dhaafeen halkii uu ku tabar-dhigay. Waxaa loo fishay geeri. Waxaana loo rajeeyey inuu ka raaxeysan doono silicii foosha xumaa. Hayeeshe, waxaa u yimid gurmad aanu fileyn. Hey’adda Care International iyo Corcern oo waqtigaas kamid ah hey’adihii gargaarka aadminimada u fidinayay Somaaliya shaqaale kamid ah oo isku feer-dhaafaya inta u dhaxaysa Buur-hakaba iyo Wanlaweyn waxay la gaarayaan gargaar iyo xanaaano. Waxaana ay sidoo kale usoo qaadayaan caasimadda Muqdisho halkaas oo lasii geynayo xarunta hey’adda oo waqtigaas ahayd Isbitaalka S.O.S ee caasimadda Muqdisho ku taalla.
Dhowr heesood oo ay kamid tahay heesta Dayaay Afrikaay Dayaay oo Shirkii Carta laga qaaday ayuu muuqaalkii inankaasi ku jiraa. Waxaa la arkayaa isaga oo fadhiid noqday oo xittaa aan saani labadiisa gacmood ugu qabsan karin rootiga.
Sheekada dhallaankaas ayaa ku filan inay sawir muuqda ka bixiso halkii ay Somaaliya ka joogtay nolosha Aadanaha qarnigii tagay daba-yaqaadiisa.
Qoraaga Abdiqaadir Aroma wuxuu buuggiisa Soyaalka Somaalida ku sheegay in markii macluusha iyo abaartii darneyd ku dhifatay koofurta dalka, adduunyada kale – halkii loogu fadhiyay inay miiska soo saaraan wax-ka-qabashada dhibaatada iyo musiibada heysata Somaaliya – ay ku jiree shir looga hadlayo duurjoogta iyo dabargo’a ku socda. Sidaas darteed, ayuu yiri, duurjoogtaa dunida uga qiimo badneyd nolosha qofka Somaaliga waqtigaas.
Qore: Zaki Hiraale.
Kala xiriir: hiraal86@gmail.com.
You must log in to post a comment.