crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Muqdisho – Magaalo Kobaca Ilbaxnimada Aqriska uu kusii xoogeysanayo. | HimiloNetwork

Muqdisho – Magaalo Kobaca Ilbaxnimada Aqriska uu kusii xoogeysanayo.

MUQDISHO (HN) — Mid kamid ah goobaha ay aqristayaashu usoo raadsadaan buugaagta waa halka aan ku suganahay oo ay idin kaga muuqdaan dhowr nuucyo  dhiganayaal kala duwan ah oo isugu jira suugaanta, seyniska, cilmiga bulshada iyo hal-abuurka.

Balse dhowr sannadood kahor, goobtani sida kuwa la eyniga ahba uma laheyn mudnaanta kuwa ugu danbeyntii go’aansaday inay qeyb kamid ah dhaqankooda ka dhigaan aqriska iyo qoraalka.

Taniyo markii la bilaabay dabshidka sannadlaha ee Bandhigga Buugaagta, waxaa batay qorayaasha iyo buugaagta, waxaana kordhay jaceylka loo qabo iibsiga buugaagta.

Maxamed Wali Cabdi waa Maamulaha Xarunta Buugaagta Saylac, wuxuu dareemayaa is-beddelka muuqda oo kusoo kordhay kala iibsiga buugaagta.

Runtii waqtigan waxaa jira koror aad u badan oo la xiriira iibisga iyo qoritaanka buugaagta, waana markii ugu horreysay in sidan oo kale aan ku aragno xiisaha loo qabo aqriska. Tanina waxay nagu dhiirri-gelinaysaa inaan in badan shaqadan usii joogteyno umadda usoo jeedsanaysa inay kasoo baxaan dunidii jahliga iyo aqris la’aanta.”

Balse waratada buugta ku iibso afaafka hore ee laamiga, ayanse u arag in koror muuqda uu jiro sida uu qabo  Maxamed Faarax oo sannado badan kusoo jiray iibinta buugaagta.

Maanta wax walba waxay yeelanayaan is-beddel fiican, laakiin marka aan fiirino sida dhow ee loogu xirnaaday qadka internet-ka, inta badan waxaa dhacda in buugaagta ay rabaan aqristayaasha ay kala soo degaan google-ka,” ayuu yiri Faarax oo ku jira 65-jirka.

Dadka jecel aqriska ee qeyb kamid ah dakhligood ku bixiya iibsiga buugaagta waxaa kamid ah Cabdulaahi Cali oo aan xilli uu iibsanayay buugaag kula kulmay goob lagu iibiyo buugaagta.

Maba joogi karo haddii aanan wax aqrin. Meeshan oo kale waxaan imaada marka aan soo idleeyo midkii hore oo aan horay uga iibsaday si aan haddana mid kale uga qaato. Waa sida qeyb kamid ah jadwalka hurdadayda wax aqrisku,” ayuu yiri Abdullahi.

Hal-jecleysiga ilbaxnimada cusub ee wax aqriska inuu kusoo kordhayo bulshadeenna, wuxuu runtii war fiican u yahay qorayaasha Soomaliyeed ee qoraanimada kusoo biiray sanadihii dambe.

Farxiyo Muxudiin oo inta badan qorta buugaagta arrimaha Qoyska sida dhiganiaheeda Nolol iyo jaceyl, waxay kusoo jirtay halgan ay kaga soo gudubtay waqti aan sida maanta oo kale lagu baraarugsaneyn iibsiga buugaagta. Balse maanta dadaalkeeda, sida qorayaasha kale, wuxuu u muuqda mid soo ifinaya natiijo muuqata.

“Xaqiiqdu waxay tahay sabab walba oo keenta in lagu baraarugo aqriska iyo qoraalka waxay saadaal iyo mustaqbal fiican u tahay aqristaha iyo qoraaga. Waayo waa madal ay ku kulmaan si ay isku weydiiyaan xalka nolosha iyo qaabeynta geeddiga horusocodka leh. Ka anigaan ahaan, tallaabadani inay soo muujiso door muuqda waxay iiga dhigan tahay shidaalkii aan ku sii shaqeyn lahaa,’ ayay tiri Farxiya.

Gudaha dal dowladdiisu ay la dageen caqabado dhowr ah oo halis ku ah jiritaankeeda, helidda jiil cusub oo ku qaan-gaaraya ilbaxnimada aqriska iyo qoraalka waxay saadaal wacan u tahay samata-bixiisa.

Balse inta ay ka helayaan dowlad ugu danbeyntii usoo jeedsata kobcinta garaadkooda iyo tayeynta aqoontooda, waxay jiilkani dadaal kasta ugu jiraan sidii ay kaalintaas – inta karaankooda ah – u buuxin lahaayeen.

Waxaana ay u hurayaan wax walba si ay u xaqiijiyaan.

Qore: Maxamed Qadar Abdi.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!