crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Qisada Waaya’aragii Nololeed ee Qoraa Marxuum Abdullahi Sheegow. | HimiloNetwork

Qisada Waaya’aragii Nololeed ee Qoraa Marxuum Abdullahi Sheegow.

MUQDISHO (HN) — Markii iigu horreysay oo aan la kulmay Sheegow, uma aynan wada hadlin sida laba qof oo isku cusub. Wuxuu ahaa shaqsi dabcigiisa nololeed ku muujin kara tayada aqoontiisa. Dadku marka ay ku hadlaan garaadkooda, isaga waxaa usii dheereyd waaya’aragnimo. Kalsoonidu waxay aheyd mid la fadhida kob kasta oo uu tago. Wuxuu dhab ahaan u muuqday – ahaana – tiir iyo shumac hadiyo jeer lasoo tiigsado.

In kasta oo xanuunku ugu soo hoos dhuuntay gabownimadiisa, haddana uma nooleyn sida asaagiisa. Da’du marnaba kuma aheyn caqabad u diida inuu ka qeyb ahaado munaasabadaha looga hadlayo aqriska iyo qoraalka – iyo dabcan saxaafadda.

Wuxuu ahaa geyfane dhinac walba oo nolosha kamid ah – isaga oo kaashanaya aqoontiisa iyo khibradiisa – u ol’oleyn kara. Kuma arag kala dhaweysasho iyo nin jecleysi. Caado ahaan, wuxuu dhaqan u lahaa in qofka ugu soo hormara uu noqdo kan ugu danbeeya ee agtiisa ku nagaada.

Noloshayda oo dhan, laba jeer oo kala duwan ayaan kula kulmay laba meelood oo runtii dhab ahaan u tilmaami kara shaqsiyaddiisa iyo shaqadiisa. Sannadkii labaad ee Dab-shidka Buugaagta ee Xamar oo aan wareysi kula yeeshay madasha iyo maalin kale oo aan isku aragnay xuska Maalinta Caalamiga ee Dhameynta Tacaddiyada ka-dhanka-ah Suxufiyiinta.

Maalintii labaad, waxaan waqti badan ku bixinay falan-qeynta dhacdooyinka ay la kulmaan saxaafadda iyo kaalinteeda kaga aadan dib-u-dhiska dalka. Runtii taasi waxay ii aheyd waaya’aragnimo qurux badan inaan shaqsi weyn kala hadlo mowduuc la xiriira horumarinta mustaqbalka iyo masiirka umadeed. Qeyb kamid ah oraahyadii aan maalinkaas ka bartay waxay runtii u dhigmaan kumaankun xikmadood.

Sheegow oo taniyo 1968-kii kusoo jiray saxaafadda Soomaalida, wuxuu runtii waqti adag kusoo qaatay gudaha dalka isaga oo la nool hadaf qura – in la horumariyo tayada saxaafadda si loo hubsado doorkeeda. Hadiyo jeerna, farriintiisu way caddeyd. Xittaa marka ay timaado in la yiraahdo majirto rajo u dhiman shacabka, wuxuu si niyadsamaani ku jirto ugu kalsoonaa awoodda warbaahinta.

“Maxaa qalinku sheekiyo, kolba qodob la-yaabliyo, qubanaha dharaartiyo, mahadhooyin qorayaa?”

Jiilkii uu lasoo koray badigood sidiisa oo kale uguma guuleysan inay la midoobaan cuquusha jiilka maanta. Sheegow waxaa lagu xusuusan doonaa inuu ahaa kaabad isku xirta da’da sii tagaysa dhaxalkooda iyo jiilka soo koraya awoodeyntooda. Wuxuu inta badan kasoo dhex muuqan jiray fagaarayaasha ay ku badan yihiin dhalinyarada ee looga hadlo dhaqanka, suugaanta iyo saxaafadda.

Kulankeennii ugu danbeeyey laba sannadood kahor, aragtiyadii iyo qorshayaashii aan si shaqsi ah iskula wadaagnay waxay runtii maalin aan fogeyn u noqon doonaan kuwo sidii uu jeclaa u hir-gala.

Waana halkaas Meesha ay ka bilaaban doonto xusuusta maguurtada ee dhaxalkii uu inooga tagay.

Ehelkii iyo qaraabadii uu ka tagay waxaan Eebe uga baryayaa inuu Samir iyo iimaan ka siiyo. Marxuum Abdullaahi Axmed Sheegow.

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

Kala xiriir: Hiraal86@gmail.com

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!