Muqdisho (Himilonetwork) – al-Jeeriya waxay ugu danbeyn furaysaa Masjidkii ugu weynaa abid dalkeeda laga dhiso – kaas oo sidoo kale ah midka saddexaad ee ugu weyn adduunka bilowga sannadka soo socda.
Mohammed Isa, oo ah wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta ee dowladda al-Jeeriya ayaa ku dhawaaqay maalinta la daah-furi doono Masjidka oo ku fadhiya baaxad dhan 200,000 square meters.
Kaddib dhismihiisa, Masjidkan wuxuu noqonayaa midka saddexaad ee ugu weyn dunida kaddib labada Masaajid ee Makka iyo Madiina.
Wuxuu leeyahay minaaret dhererkeedu dhan yahay 265 mitir.
“Masjidku wuxuu albaabka furan doonaa bisha December ama sannadka cusub,” ayuu Isa u sheegay warbaahinta.
al-Jeeriya ayaa adduun dhan $2 bilyan ku bixinaysa dhismaha Masjidkan kaas oo kaliya meesha lagu tukado ay dhan tahay 20,000 mitir isku wareeg ah, wuxuuna qaadi karaa ku dhawaad 120,000 oo qofood.
Masjidku wuxuu sidoo kale yeelanayaa maktabad ay mar qura wax ku aqrisan karaan dad gaaraya 6,000. Xarun lagu barto diinta Islaamka iyo cilmi-baarista seyniska iyo Qur’anka ayaa sidoo kale lagu dhinac dhisayaa maktabadda.
Wuxuu sidoo kale leeyahay baakin mar qura lagu keydin karo 6,000 oo gaari.
You must log in to post a comment.