crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La kulan: 74 jir u taagan La-dagaalanka Qashinka. | HimiloNetwork

La kulan: 74 jir u taagan La-dagaalanka Qashinka.

Bandung, Indonesia (Himilonetwork) – Subax walba waagu markuu dillaaco ilaa gabbal dhaca, 74-jirka lagu magacaabo Mr Sariban wuxuu – isaga oo raadinaya qashin jidadka yaalla – ku socdaa baaskiilkiisa waddooyinka magaalada – isaga oo canbaareeya kuwa qashinka mico darro ugu tuura jidadka.
Markii uu bilaabayay samafalkan 30 sano kahor, dadku waxay moodi jireen inuu maskaxda ka xanuunsan yahay – ama uu waalli qabo.
Maanta waa halyeyga magaalada.
Wuxuu waqtigiisa howlgabka noqday ku bixiyaa nadaafadda magaalada.
“Sannadkii 1983 magaalada Bandung waxay ahayd mid wasaq badan, xaaladda bullaacadaha waxay u muuqdeen kuwa fatahaad ku keeni kara magaalada. Dadku daryeel gaar ah iskama saari jirin,” ayuu yiri. “Sidaas darteed aniga ayaa isku xilqaamay buuxinta kaalintayda.”
Baaskiilkiisu wuxuu ka yimid waqtigii isticmaarka Holland uu ku sugnaa Induniisiya oo markaas u dhignaa gaariga Marshedes-ka.
Taniyo markii uu halgankan soo bilaabay wuxuu qaaday sawirro badan kuwaas oo keydkiisa ku jira.
Dadku degaanku maanta way jecel yihiin la kulankiisa. Waxay la galaan sawirro. Taasina kuma imaanin warkiisa oo ay isla dhex mareen.
“Wuxuu ku dhashay saxaafadda oo aad iiga hadashay iyo muuqaal baahiyaha oo aan marar badan kasoo muuqday,” ayuu yiri.
Wuxuu ku heesaa halheys ah: Qashinku waa dhibaato; degaankuna waa wasaqoobayaa. Meelaha aad ku qubeysaan qashinka waxay isku rogi karaan fatahaad magaalada qarqisa markuu roob da’o.
Wuxuu qaataa codbaahiye uu dadka uga wacyi-gelinayo la-dagaalanka qashinka iyo wasaqda. Wuxuuna farriintan u xanbaarsan yahay si maalinle ah.
Dadku markay arkaan isaga oo qashinka gurbinaya waxay isku dayaan inay dhinacooda ka qaadaan. Xittaa marka ay meel dheer ka jeedaaliyaan aragiisa, waxay isku dayaan inay ururiyaan wixii qashin ah oo agtooda aali kara.
“Waxay ka tahay xishood ee ma ahan cabsi ay iga baqayaan,” ayuu yiri.
Haddii qof walba uu qashinkiisa ka adkaado, wuxuu qabaa in laga adkaan karo wasaqowga kusii socda degaanka. Waana farriinta uu hadiyo jeer ku celceliyo.

 

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!